Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mar kale goordhow Xarunta Villa Soomaaliya ka furmay shirkii u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta Mucaaradka, kaas oo loo ballasanaa maanta oo Khamiis, si loo sii amba qaado wada-hadalada labada dhinac.
Wararka ayaa sheegaya in kulanka uu furmay, isla markaana ay goobjoog yihiin inta badan xubnaha mucaaradka, waxaana hoggaaminayo Madaxweyne horeb Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isugu dhisay Madasha ay ku mideysan siyaasiyiinta mucaaradka.
Kulanka labada dhinac oo la iclaamiyay 25-kii bishii hore ayaa waxaa haatan looga hadlayaa khilaafka siyaasadeed u dhaxeeya dhinacyadan ee la xiriira dhammeystirka Dastuurka KMG ah iyo Aarimaha Doorashooyinka oo ah qoddobo isha lagu wada hayo.
Sidoo kale labada dhinac ayaa markan toos u guda galay wada-hadalkooda, mana cadda wax yaabaha ka soo bixi kara shirkooda, inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu isku dayayo inuu xalliyo tabashada xubnaha mucaaradka Dowladda.
Shirkan waxaa ka horreeyay mid kale oo gaar ah oo ay shalay yeesheen mucaaradka, kaas oo ay dood adag kaga yeesheen ajendayaasha ay maanta hordhigayaan Madaxweyne Xasan, markii ay la kulmaan, iyagoo isku raacay dhowr qodob, sida aan xogta ku heleyno.
Waxaa kale oo shirkaas aaladda Zoomka uga uga qayb-galay Madaxweynaha Jubbaland, oo ay haatan si weyn isku hayaan Villa Soomaaliya, kaas oo wada dhaq-dhaqaaqyo culus.
Axmed Madoobe ayaa mucaaradka ka codsaday in Xasan Sheekh ay hordhigaan dalabaadkiisa caddeynaya inuu diyaar u yahay wadahadal uu la galo dowladda federaalka, si meesha looga saaro khilaafka isku beddelay colaadda.
Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Sheekh Shariif uu hoggaaminayo ayaa qorshuu in maanta Xasan Sheekh ay hordhigaan dalabaadka uu u soo dhiibay Axmed Madoobe, oo markaan diyaar u ah wadahadal uu la galo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Si kastaba, Wada-gadallada Mucaaradka iyo Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in maalmahaan ay sii socdaan, iyadoo Xasa uu u muuqdo in tanaasul uu ka sameynayo qodobada qaar oo markii hore uu mowqif adag ka taganaa, sida wax ka bedelka dastuurka.

