Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo galabta Muqdisho uga qeyb galay kulan loogu duceeyey halyeeyadii u shahiiday halganka xoreynta Soomaaliya ayaa farriin adag u diray ganacsatada weli dhaqaalaha siisa Al-Shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa maalmahaan bilowday cadaadis ay ku dabageleyso ganacsatada, si kooxda Al-Shabaab looga hor istaago inay dadka ka aruursadaan lacagaha ay u yaqaanaan Zakawaadka oo xiliyadaan oo kale ay aad u uruuriyaan.
“Inkasta oo dowladdu Akoomo badan xirtay oo dad maxkamadeysay, haddana Ganacsato ayaa u dhuumanaya Al-Shabaan oo ugu taga goobaha ay joogaan, iyagoo siinaya lacago lagu gado hubka iyo qaraxyada dadkeenna iyo askarteena lagu dilayo,” ayuu yiri Wasiir Fiqi
Wasiirka Gaashaandhigga oo sii hadlayey ayaa yiri “Ganacsadow lacagtaada haku bixin dhibaateenta shacabka, ogowna in falkasta oo khawaarijta ku gaysato wixii aad siisay aad adigana danbigaas qeyb ka tahay.”
Wasiir Fiqi ayaa aad ugu mahadceliyey dhallinyaradii soo abaabushay kulankaan loogu duceeyey halyeeyadii u dhintay xornimo raadintii Soomaaliya iyo kuwa hadda la dagaalamaya Khawaarijta ee u dhimanaya in mar kale ay Soomaaliya ka xorowdo argagixisada.
“Waxaan soo wadnaa barnaamij la yiraan da’yarta iyo difaaca, waxaan dooneynaa in da’yarta, wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska xoogga ay saaxiib noqdaan, wax badan ayaan ka faa’iideysa doonaa dhalinyarada,” ayuu yiri Fiqi.
Masuuliyiin kale oo Wasiir Al-Cadaala uu ka mid yahay ayaa ka hadlay kulankaas, isagoo yiri, “Dhallinyarada Soomaaliyeed hadii aan la kicin dhibka aan ku jirno marnaba kama bixi doono, sidoo kale Culimada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in Masaajida ay ka sheegaan kuwa dalkeena iyo diinteena suuban weerarka ku ah.”
Hoos ka daawo Wasiir Fiqi

