Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa mar kale Khamiistii shir ku yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan guddiga dowladda ee wadahadallada u xil saaran iyo Madasha Samatabixinta ee mucaaradka.
Afhayeenka Madasha mucaaradka ee Samatabixinta, Danjire Daahir Maxamuud Geelle oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in muhiimadda kulanka uu ahaa in diiradda la saaro afar qodob oo xasaasi ahaa.
Mr. Geelle ayaa farta ku fiiqay in kulankii hore waxyaabaha lagu ballamay ay ka mid ahayd in madaxda madasha ay la xiriiraan madaxda maamul-goboleedyada maqan ee Puntland iyo Jubbaland, arrintaasina ay fuliyeen oo ay Madaxweynaha uga warbixiyeen.
“Waxaa lagu ballamay inta aan shirka labaad la isugu soo laaban in aan la xiriirno labada maamul-goboleed ee maqan, oo aan ka shaqeyno sidii ay ku imaan lahaayeen. Dabcan howshii aan isku ogeyn oo Madaxweynaha naga rabay, maadaama baryahan ay kala xanaaqsanaayeen labadaas maamul waan la xiriirnay, Madaxweynaha warbixin ayaan ka siinay in xaalku fiican yahay, arrimahanna ay soo dhaweynayaan,” ayuu intaa ku daray.
Afhayeenka Madasha Samatabixinta, Daahir Maxamuud Geelle, wuxuu carabka ku dhuftay in caqabadda ka hortimid marka laga hadlayo labada maamul ee maqan ay tahay arrinta Jubbaland.
“Caqabado ayaa ka jira xagga Jubbaland, oo marna xagga duulimaadka ama cunaqabateyn ayaa saaran tahay, marna mashariicdii ayaa ka xanniban, marna madaxweynihii Jubbaland ayaa dacwo ka taalla,” ayuu yiri Mr. Geelle.
Maxaa la isku fahmay, maxaase la isku fahmi waayay?
Qaar ka mid ah qodobada muhiimka ahaa ee labada dhinac ay ka wadahadleen shalay ayaa la isku fahmay.
Mucaaradka ayaa sheegay in la isku fahmay qodobo ay ka mid yihiin ‘amniga iyo la-dagaalanka argagixisada’.
“Afartii arrimood ee aan sheegay laba ka mid ah waan isku waafaqnay oo waan isla meel dhignay, kuwaas oo ah arrimaha amniga iyo la-dagaalanka argagixisada dalka sidii looga qaban lahaa iyo arrimaha midnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Afhayeenka Madasha Samatabixinta.
Daahir Maxamuud Geelle ayaa xusay in qodobka aan la isku fahmin uu yahay qodobka dastuurka oo uu sheegay inuu muhiim u ahaa wadahadalka.
“Arrimaha dastuurka ayaan isla meel dhigi waynay,” ayuu intaa ku raaciyay.
Danjire Daahir Geelle ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda marka ay qaadayso tallaabo ka baxsan dastuurka ay tahay inay kala tashato dhinacyada kala duwan.
“Sideedaba dowladda markay qaadayso tallaabo ka baxsan dastuurka waxay u baahan tahay inay heshiis ka gasho marka dastuurka la beddelayo ama wax lagu darayo, ama laga dhimayo, ama muddada xilka markay dhammaato halka la aadayo. Arrimahaas dowladda waxay u baahan tahay inay dadka kala arrinsato,” ayuu yiri Mr. Geelle.
Maxay ka tiri dowladda?
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkan wejiga labaad uu ku qabsoomay jawi wanaagsan.
“Shirkii wadahadalka ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta oo galay wareeggii labaad, ayaa maanta oo ay bishu tahay 3-da Luulyo 2025 waxaa shir iskugu yimid Madaxweynaha JFS, xubnaha guddiga dowladda u xil saaran wadahadallada iyo Madasha Samatabixinta,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.
Bayaan ay dowladda soo saartay ayaa sidoo kale lagu sheegay in wareegga saddexaad ee shirka lagu ballamay 20-ka Luulyo.
“Shirka oo ku qabsoomay jawi aad u wanaagsan, falanqeyn dheer kadib waxaa la isku waafaqay in la isku soo laabto 20-ka Luulyo 2025 si loo sii ambaqaado arrimihii laga wadahadlay,” ayuu bayaanka intaa raaciyay.
Shirkan ayaa horey loogu baaqay, iyadoo gogosha u fidisay dowladda federaalka, waxaana ka hor inta uusan bilaaban wareeggii koowaad uu dhowr mar baaqday.
Siyaasiyiinta ku mideysan madasha Samatabixinta oo uu guddoomiye u yahay madaxweynihii dowladdii ku meel-gaarka ahayd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa labadii kulan ee ugu dambeeyay ka qeyb galay.
Waxaa xusid mudan in maamullada Puntland iyo Jubbaland ay diideen ka qeybgalka kulamada ay dowladda gar-wadeenka ka tahay.
Arrimaha dastuurka iyo doorashada ayaa ah qodobada ugu muhiimsan ee ay labada dhinac ee mucaaradka iyo dowladda isku hayaan.

