24.3 C
Mogadishu
Wednesday, July 30, 2025

Ciidamada Haramcad oo maanta gadood halis geliyay shacabka ka dhigay Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa goordhoweyd xirtay jidka Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay ka cabanayaan mushaar la’aan, taasoo sababtay in ay u gadoodaan si ay codkooda u maqashiyaan dowladda.

Markii ay xirteen jidka, waxay bilaabeen in ay rasaas kolba dhinac u ridaan, taas oo halis gelisay nolosha shacabka ku sugnaa agagaarka goobta.

Gadoodka ayaa si toos ah u saameeyay isku socodka gaadiidka, iyadoo la arkayay baabuur iyo Mooto Bajaajyo hakad ku yimid, kuwaasoo ku xaniban meelaha u dhow jidka la xirtay.

Jidka Ex-Control Afgooye ayaa ka mid ah marinada ugu muhiimsan ee ay adeegsadaan shacabka Muqdisho, waxaana xirnaanshihiisu sababay jahwareer iyo kacsanaan.

Askarta gadoodsan ayaa ka cabanaya dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka waayeen xuquuqdii ay xaqa u lahaayeen, oo ugu horeeyo mushaarka, kaasi oo markii horeba aan ku filnayn baahiyaadka noloshooda.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online.

- Advertisement -

Read more

Local News