26.2 C
Mogadishu
Saturday, July 19, 2025

Xasan Sheekh oo u safray Masar xilli xiisad taagan tahay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay magaalada Qaahire ee dalka Masar.

Madaxweynaha Masar ayaa casuumaad u soo diray Madaxweyne Xasan Sheekh, si uu ula kulmo dhiggiisa, Cabdulfataax Al-Sisi.

Kulanka ayaa la filayaa in looga hadli doono iskaashiga labad dal, gaar ahaan dhinacyada amniga oo ay ka mid tahay howl-galka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo doorka ciidamda Masaarida.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha Masar uu kulankaas kusoo bandhigi doona warbixin dhameystiran oo la xiriirta howlaha soo daabulista ciidanka, iyadoo labada madaxweyne ay diirada saari doonaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal.

Safarka Xasan iyo kulamada uu la qaadanayo Al-Sisi ayaa imaanaya xilli ay xiisad xooggan ka taagan gobolka, kadib markii dhawaan ay Itoobiya ku dhawaaqday dhameystirka biyo-xireenka Nile-ka, kaasi oo ay diidan yihiin Masar iyo Suudaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa haatan wajahay laba daran mid dooro, maadaama ay Qaahira ku cadaadineyso in dhankeeda soo marto, halka Addis Ababa ay dooneyso in safkeeda kusoo darto.

Masar ayaa doonaysa in Xasan Sheekh dib u soo celiyo go’aanadii saddex-geesoodka ahaa ee lagu gaaray dalka Eritrea, kuwaas oo xambaarsanaa qorshe lagu go’doominayo Itoobiya.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa isna dhankiisa Xasan Sheekh ku casuumay xaflad xarigga looga jarayo biyo-xireenka Wabiga Nile ee Itoobiya dhistay, kaasi oo haddii uu Xasan ka qeyb galo ay ka dhigan tahay inuu si bareer ah uga hor yimid Masar iyo Suudaan.

Abiy Ahmed ayaa Khamiistii sheegay in biyo-xireenka muranka dhaliyay ee laga dhisay Wabiga Nile uu hadda dhammaaday, taasoo guul weyn u ah dalkiisa, xilli uu khilaaf kala dhexeeyo dalka Masar oo ku saabsan qaybsi caddaalad ah oo biyaha ah.

Masar ayaa muddo dheer kasoo horjeedday biyo-xireenka, sababo la xiriira walaac ay ka qabto inuu yareyn doono saamigeeda biyaha Wabiga Nile.

Dowladda Masar ayaa ku tilmaantay biyo-xireenka – oo loo yaqaan Biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya (Grand Ethiopian Renaissance Dam) – mid khatar ku ah jiritaankeeda, maadaama dalku uu si buuxda ugu tiirsan yahay Wabiga Nile si uu biyo ugu helo beeraha iyo dadkiisa ka badan 100 milyan.

- Advertisement -

Read more

Local News