28.1 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Cali Balcad oo qaadacay doorashada QAASIM FURDUG, una hanjabay Cali Guudlaawe

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad oo ka hadlay doorashada maanta ka dhacday magaalada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, taas oo lagu doortay duqa magaaladaas, ayuu sheegay inay tahay “gef ka dhan ah” heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka.

Cali Balcad oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay in madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe, uu ku mashquulsan yahay qabashada doorasho dadban oo xilligeedii dhammaatay, xilli dalku isku diyaarinayo inuu ka guuro hanaankaas.

“Waxaa nasiib darro weyn ah in xilli uu dalku isku diyaarinayo doorasho loo dhan yahay, oo ay socoto diiwaan-gelintii codbixiyeyaasha, iyadoo aan maalmo ka hor aragnay sawirrada madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo saf ugu jira isdiiwaangelinta doorashada qof iyo cod, in uu maamulka HirShabelle ku mashquulsan yahay qabashada doorasho dadban,” ayuu yiri Wasiir Balcad.

Waxa uu intaas ku sii daray: “Doorasho-ku-sheegta maanta lagu qabtay degmada Balcad waxay meel ka dhac ku tahay heshiisyadii ay hore u gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka iyo shuruucdii ay ansixiyeen golayaasha qaran.”

Balcad ayaa ugu baaqay Cali Guudlaawe inuu u diyaar garoobo doorasho, si la mid ah Axmed Qoor-Qoor iyo Lafta-gareen, oo uusan ku mashquulin doorasho xilligeedii dhammaatay, isla markaana abuuraysa khilaaf iyo iskahorimaad beelaha nabadda ku wada nool.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiir Cali Balcad ee uu ku qaadacayo doorashadii maanta ka dhacday Balcad ee lagu doortay Qaasim Furdug, ayaa la rumeysan yahay inay ka wada socdaan hoggaanka sare ee dalka, oo haatan u durbaan tumaya in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah.

Tan ayaa ka dhigan in xiisad cusub ay ka dhex qaraxday Cali Guudlaawe iyo madaxda sare ee dowladda federaalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore qorshaha doorasho ee uu ku hawlan yahay ku lumiyay Axmed Madoobe, halka Deni ay hore u kala furteen, waana mid uga sii dari karta culeyska siyaasadeed.

- Advertisement -

Read more

Local News