25.7 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

WAARE oo madaxda DF u jeediyay eedeyn culus oo la xiriirta dagaalka Shabaab

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle ahna Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur-goboleedka IGAD, Maxamed Cabdi Waare ayaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay ka gaabiyeen dagaalka Al-Shabaab, isla markaana ay ku mashquuleen arrimo aan micno lahayn xilligan.

Waare ayaa sheegay in dagaalka Shabaab uu haatan kusoo ururay hal deegaan oo keliya. Kooxda ayuu xusay inay hadda fursad u heshay inay dib isu abaabusho, ayna weerarro cusub qaaddo, halka dowladda ay ku mashquulsan tahay arrimo siyaasadeed.

“Maanta, Shabaab waxay ka yimaadeen meelo fog sida Jubbaland iyo Koonfur-Galbeed si ay xooggooda ugu ururiyaan hal dagaal oo ka socda Moqokori, Hiiraan. Ma aanan arkin wax kale oo jiho firfircoon ah oo lagula dagaallamayo Shabaab,” ayuu Waare ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).

Sidoo kale wuxuu sheegay in haatan si cad u muuqato in dagaalka Al-Shabaab uusan ahayn mudnaanta koowaad ee Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Uma muuqato in dalka intiisa kale uu ka jiro dagaal dhab ah oo lagula jiro Al-Shabaab, dadka intiisa kalena waxay u muuqdaan kuwo ka jeestay ama indhaha ka laabtay dhibka shacabka reer Hiiraan,” ayuu yiri Waare.

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur-goboleedka IGAD ayaa ku baaqay in la joojiyo waxa uu ku tilmaamay “mashquul siyaasadeed aan micno lahayn”, taas oo uu ku eedeeyay inay carqalad ku tahay dagaalka kooxda Al-Shabaab.

“Weli waan aaminsanahay inaan Shabaab ka adkaan karno, haddii aan joojinno mashquul siyaasadeedka, abuurista dhibaatooyinka yaryar iyo qalalaasaha macmalka ah, oo aan helno ujeeddo mideysan. Wax ka yar taasna waa isla meermeerkii Soomaalida ee caanka ahaa: ‘Ila Meereeyso’.”

- Advertisement -

Read more

Local News