Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa si adag uga hadlay xiisadda ka taagan gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya, halkaas oo ay dhaq-dhaqaaq culus ka bilowday Dowladda Federaalka oo ku howlan dhameystirka SSC-Khaatumo.
Axmed Yaasiin ayaa hanjabaad culus kasoo saaray qorshaha Villa Somalia ee ku aadan in gobolkaas lagu daro SSC oo haatan ah maamul ka tirsan dowladda dhexe, isaga oo sheegay inay u arkaan daan-daansi uu Xasan Sheekh kusoo qaaday bariga Somaliland.
“Waxaan rabaa in aan ka hadlo daan-daansiga, xasaradda iyo colaad hurinta oo uu Xasan Sheekh ka wado Madaxweynaha dowladda Xamar ka taliso bariga Somaliland, runtii waa wax laga xumaado nin Madaxweyne loo doortay oo dal mas’uul looga dhigay, oo intii mas’uulka looga dhigay ku fashilmay uu rabo inuu fidno ka abuuro Somaliland, isaga oo ciidamo usoo dirayo bariga Somaliland,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Axmed Yaasiin.
Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in arrinta gobolka Sanaag ay u taalla Somaliland, isaga oo ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya inuu faraha kala baxo arrinta gobolkaas, oo uu tilmaamay in aanu looga baahneyn colaad laga huriyo halkaasi.
“Waxaan ugu baaqeynaa inuu faraha kala baxo waxa aan loo dooran, loona diray ee uu faraha kula jiro Somaliland xuduudeeda iyadaa iska leh, wax uga banaan maanta in ninkaas oo halkaas ku qaado ma jiraan,” ayuu mar kale yiri Wasiir Axmed Yaasiin.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dowladdiisa ma awoodo in ciidankeeda ay mushaarka siiso waxaad ka war qabtaan ciidamaduu uu qornaa in mushaar la’aan dartiis ay banaanbax uga sameynayeen Muqdisho gudaheeda oo koontarooladii xiranayaan”.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ujeedka ugu wayn ee Xasan Sheekh uu yahay inuu carqaladeeyo aqoonsiga Somaliland, balse aysan dhici doonin, isla markaana uu soo dhowyahay, ayna ku guuleysan doonaan.
Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in xalka iyo wax ka qabashada xaaladda Sanaag ay u taallo Somaliland, isla markaana go’aan looga gaari doono gogosha uu Madaxweyne Cirro dhigay magaalada Ceerigaabo, si nabad loogu soo dabaalo guud ahaan gobolkaasi.
“Magaalada Ceerigaabo iyo nabadeeda waa wax u yaala Somaaliland Madaxweyne Cirro gogoshii uu dhigay weli sidii ayay u taallaa 100% waxaa ka go’an in Sanaag oo dhan ay nabad kusoo noqoto oo Ceerigaab dadkii kusoo qaxay ay kusoo noqdaan,” ayuu ku daray.