25.7 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Fiqi oo war ka soo saaray ciidamada la sheegay in dowladda ay gaysay Sanaag

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya, isaga oo beeniyay in Dowladda Federaalka ay ciidamo gaysay gobolkaasi.

Axmed Macallin Fiqi ayaa meesha ka saaray eedeynta loo jeediyay dowladda dhexe ee ku aadan in ciidamo ay u daabushay gobolka Sanaag oo haatan ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ku aadan sidii gobolkaasi loogu dari lahaa SSC-Khaatumo.

“Waxaan caddaynaynaa in Dawlad Federaalka ah aysan ciidan geyn Gobolka Sanaag iyo Sool, sabab loo geeyana aysan muuqan. Shakhsiyaadka dawladda Federaalka ku eedaynaya arrintaasna wax caddayn ah oo ay soo bandhigeen ma jirto oo aan ahayn eed caalwaa ah oo ay ka muuqato in taag iyo tabar ay ku hor istaagaan ay u waayeen rabitaanka dadka deegaanadaas” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Sidoo kale wuxuu caddeeyay in Dowladda Federaalka aysan burburineyn nidaamka federaalka dalka, balse ay dhiseyso, ayna haatan ku howlan tahay dhammeystirka SSC.

“Ismana qabato Xamar ayay dawladdu xukumi wayday iyo Sanaag ayay ciidan geysay, sidoo kale waxaan isqabanayn Dawladda Soomaaliya nidaamka Federaalka ah ayay cadow ku tahay oo burburinaysaa iyo in haddana lagu eedeeyo dawlad goboleed cusub ayay dhisaysaa.”  ayuu mar kale yiri Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay Nidaamka Federaalka ah waa nidaam dalku qaatay oo dastuuri ah, hirgelintiisa iyo dhowristiisuna cid walba ay ku tahay waajib”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Villa Soomaaliya ay dhaq-dhaqaaq culus ka waddo gobolka Sanaag oo laga aaabulayo shir looga tashanayo aayaha gobolkaasi iyo sidii uu ugu biiri lahaa maamulka SSC oo ay aqoonsi buuxa siisay Dowladda Federaalka.

Dhowaan ayay ahayd markii Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay faragelin siyaasadeed iyo qalalaase ka wado gobolka Sanaag, iyada oo adeegsaneysa siyaasiyiin ka soo jeeda gobolkaasi.

Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan waxaase xaaladdan soo korortay ay imaaneysaa, iyada oo shalay dowladda dhexe ay guda gashay dhammeystirka maamulka SSC, waxaana la magacaabay guddigii farsamada ee ka shaqeyn lahaa howshaas.

- Advertisement -

Read more

Local News