25 C
Mogadishu
Wednesday, July 9, 2025

Isimada Warsangeli oo caddeeyey dhinaca ay raacsan yihiin Puntland iyo Khaatumo

Bookmark
Bookmarked

Share

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Isimmada dhaqanka gobollada Sanaag iyo Haylaan ee beesha Warsangeli ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay farriin ugu direen isimmada dhaqanka gobolka Sool ee beesha Dhulbahante iyo maamulka SSC Khaatumo.

Isimmada ayaa war-saxaafadeedkan ku caddeeyey in Puntland ay wax ka dhiseen, isla markaana aysan dooneyn inay wax ku darsadaan ama ku biiraan maamulka cusub ee SSC Khaatumo.

Qoraalka ay soo saareen Isimmada Warsangeli oo ka kooban lix qodob ayaa lagu sheegay:

1- In gobollada Sanaag iyo Haylaan ay kamid yihiin gobolladii lagu aas-aasay Puntland 1998-kii, mana jiraan wax isbeddelay. Dowladda Puntland waxaan ugu baaqeynaa inay ka shaqeyso horumarka iyo difaaca gobolladan.

2- Waxaan caddaynaynaa in uusan jirin shir-siyaasadeed oo beeshu yeelatay oo aan go’aanno ka soo saarnay.

3- Waxaan isimmada Khaatumo iyo maamulkooda u caddaynaynaa in aanay jirin cid wakiil ka ah Sanaag iyo Haylaan oo aan dirnay shirka Laascaanood, qaybna kama nihin wax kasta oo kasoo baxa.

4- Waxaan isimmada walaalaheen ee Siciid Harti ka dalbanaynaa inay raalli-gelin buuxda ka bixiyaan faragelinta beelaha Sanaag iyo Haylaan, taas oo waxyeello u geysan karta wada noolaanshaha bulshada.

5- Beesha caalamka waxaan u caddaynaynaa in uusan jirin shir aan yeelanay ama maamul-dhisid cusub oo aan cid la galnay ama la galeyno.

6- Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqaynaa inay qabato waajibaadka loo doortay, kana fogaato isku dirka beelaha walaalaha iyo kuwa deriska ah.

Shan ka mid ah isimada dhaqanka gobolka Sanaag ayaa ku saxiixan war-saxaafadeedkan oo kusoo beegmaya xilli la qorsheynayo in magaalada Laascaanood lagu qabto shir lagu dhisayo maamulka SSC Khaatumo. Dowladda Federaalka ayaa dooneysa in awoodda maamulkaas ay ka qeybgalaan beelaha Warsangeli, Dhulbahante iyo wixii la socda.

- Advertisement -

Read more

Local News