25 C
Mogadishu
Thursday, July 10, 2025

Cali Jeyte oo deg-deg ugu laabtay furimaha dagaalka kadib qabsashadii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Maxaas (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, haatana ah ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Macawiisleyda ayaa lagu soo warramayaa inuu si deg-deg ah ugu laabtay furimaha dagaalka, kadib qabsashadii maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee degmada Moqokori.

Cali Jayte ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray degmada Maxaas, halkaas oo uu ka bilaabay kulamo looga arrinsayo xaaladda kasoo korortay gobollka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kulamada ayaa waxaa qayb ka ah mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan, maamullada degmooyinka, saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda, waxaana qorshuhuu yahay sidii dib loogu qaadi lahaa guluf ka dhan ah kooxaha Khawaarijta.

Mid kamid ah mas’uuiyiinta ku sugan degmada Maxaas oo la hadla warbaahinta ayaa sheegay in kulamadooda diiradda lag saaray sidii cadowga looga saari lahaa degmada Moqokori oo muddo laba habeen ah ay ku hoyanayaan maleeshiyaadka argagixisada.

“Degmada Maxaaseed waxaa ka socda abaabul la doonayo in dib loogu qabto degmada Moqokori nimanka cadowga kuma sii jiri doonaan degmadaas” ayuu yiri mas’uul sare oo qayb ka ah dhaq-dhaqaaqa ka socda Maxaas ee uu hoggaaminayo Cali Jayte Cismaan.

Abaabulka hadda socda ayaa kusoo aadayo, iyada oo hadal hayn xoogan iyo falcelin aan caadi ahayn ay ka dhalatalay qabsashada degmada Moqokori oo muddo dheer ay difaacayeen Macawiisleyda Xawaadle, waxaana ugu dambeyn ay u gacan gashay cadowga.

Degmadan ayaa ah istiraatiiji muhiim ah, waxaana ay kulmisaa waddooyin waawayn oo isku xira Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, sida uu sheegay  Taliyihii hore ee ciidamada dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, Maxamed Tahliil Biixi oo ka hadlay qabsashada Moqokori

Biix ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay kooxda u leedahay qabsashada Moqokori, isaga oo tilmaamay inay tahay degmadan ay muhiim u tahay labada dhinac, marka loo eego halka ay ku taallo, maadaama labada gobol ay ka socdaan dagaallo culus.

“Moqorkori waa meel istaraatiiji ah, wadooyin badan baa ku kulma wado Maxaas aadda, wado Yasooman aadda, wado aada Aadan Yabaal, wado aada Xaawo Gadiid iyo Budbud, waddo dhanka hoose aada sida Xalfooley, Ceelhareeri ilaa Jalalaqsi wadooyin badan bay kulmisaa, waa degmo qadiimi ah oo istaraatiijiyad muhiim.ah leh” ayuu yiri Jeneral Biixi.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Al-Shabaab qabsashadooda Moqokori waxa uga muhiimsan sidii ay u jabin lahayeen qabka Macawiisleeyda oo ah beesha kaliya ee aduunka tustay in Shabaab lala dagaalami karo, runtii waxaan ku amaanaya beesha sida kartida ah ee mudada dhowrka sano ah u hortaagan yihiin Al-Shabaab oo ah Urur heer Caalami ah oo hub iyo dhaqaalo xoogan ka hela meelo kala duwan, iyagoo hal beel ah isaga difaacayaan, Macawiisleeyda beesha Xawaadlle bilad ayey mudanyihiin waana daraawiishtii qarnigaan”.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka oo isku diyaarinayo inay ku laabtaan Moqokori ay haatan ku sugan yihiin bannaanka magaaladaasi, iyagoo wada abaabulkii u dambeeyay ee ka dhanka ah Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News