Laascaanood (Caasimada Onine) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay caqabad xooggan oo soo wajahday shirka dhammeystirka Dawlad-goboleedka SSC-Khaatumo oo lagu wado in galabta uu furmo.
Shirkan oo qay qaban-qaabadiisu leedahay Dawladda Fedeaalka ayaa waxaa diidmo kala horyimid musharixinta u taagan xilka Madaxweynaha SSC-Khaatumo, kuwaas oo ka biyo diidsan hannaanka ay dawladda dhexe u wajahday geeddi-socodka dhismaha maamulka.
Wararka ayaa sheegaya in haatan hakad uu galay shirka, waxaana haatan taagan buuq iyo dood ay keeneen siyaasiyiinta mucaaradka oo ay horkacayaan musharrixiinta, kuwaas oo haatan dhaq-dhaqaaq ka wada gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan ay socdaan waan-waan laga dhex-bilaabay labada dhinac, waxaana ku howlan waxgaradka deegaanka, si xal loo helo.
Dhinaca kale, Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo muhiimad gaar ah siineyso dhameystirka SSC-Khaatumo ayaa maanta wafdi culus u dirtay Laascaanood, kaas oo ka dagay magaaladaasi, waxaana hoggaaminaya wasiirka arrimaha gudaha XFS Cali Xoosh.
Ujeedka wafdiga dawladda oo ay qayb ka yihiin xildhibaanno ayaa ah inay dardargeliyaan howsha socoto iyo sidii loo qaban lahaa shirka lagu dhameystirayo Dawlad-goboleedka SSC-Khaatumo.
Mas’uuliyiintan ayaa sidoo kale isla maanta kulan gaar ah la qaatay Hoggaamiyaha Maamulka kumeel gaarka ah ee SSC-Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) oo ay kala hadleen qabsoomida shirka iyo xaaladda haatan ka taagan halkaasi.
Waxaa kale oo iyaguna laga dhur sugayaa isimmada SSC-khaatumo oo aan weli ka hadlin xaaladda soo kororay buuqa ka taagan Laascaanood ee ku aadan dhameysirtka maamulka.
Si kastaba, SSC-Khaatumo oo hadda u furmay dhabo cusub ayaa isku diyaarineyso maamul dhameystiran iyada oo Dalwadda Federaalka u magacowday guddi farsamo oo howshaas guda-gala kaas oo gaaray Laascaanood oo lagu wado inuu ka furmo shirka aayo ka tashiga.

