28.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Dalalka Spain iyo Ireland oo ku biiraya 20 dal oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Israel

Bookmark
Bookmarked

Share

Madrid (Caasimada Online) – In ka badan 20 waddan ayaa isugu imaanaya magaalada Bogota toddobaadka soo socda si ay ugu dhawaaqaan “tallaabooyin wax-ku-ool ah oo ka dhan ah ku xadgudubka Israel ee sharciga caalamiga ah,” sida ay diblomaasiyiin u sheegeen Middle East Eye.

Shirkan degdegga ah ayaa la qorsheeyay inuu dhaco 15-16 Luulyo, waxaana si wadajir ah u martigelinaya dowladaha Colombia iyo South Africa oo ah labada guddoomiye ee Ururka The Hague Group, si ay isaga kaashadaan tallaabooyinka diblomaasiyadeed iyo kuwa sharci ee lagaga hortagayo waxa ay ku tilmaameen “jawiga isla-xisaabtan la’aanta” ee ay horseedka ka yihiin Israel iyo xulafadeeda awoodda badan.

Ururka The Hague Group waa isbahaysi hadda ka kooban siddeed waddan, kaas oo lagu daah-furay 31-kii Janaayo magaalada uu magaciisa wato ee dalka Holland, iyadoo ujeeddadiisu tahay in Israel lala xisaabtamo si waafaqsan sharciga caalamiga ah.

“Aasaaskii ururka The Hague Group bishii Janaayo wuxuu calaamad u ahaa isbeddel weyn oo ku yimid jawaabta caalamiga ah ee ku wajahan ka-reebanaanshaha sharciga iyo nabaad-guurka ballaaran ee ku yimid sharciga caalamiga ah,” ayuu Roland Lamola, wasiirka xiriirka caalamiga ah iyo iskaashiga ee South Africa, u sheegay Middle East Eye.

“Dareenkaas oo kale ayaa iftiimin doona shirka Bogota, halkaas oo ay dowladaha isugu yimid ka diri doonaan farriin cad: in aanu jirin waddan sharciga ka sarreeya, dembi kastana lala xisaabtami doono,” ayuu raaciyay.

“Si wadajir ah, waxaan uga shaqayn doonnaa soo bandhigidda tallaabooyin wax-ku-ool ah oo sharci, diblomaasiyadeed iyo dhaqaale oo si degdeg ah loogu joojin karo burburinta Israel ay ku hayso Falastiiniyiinta.”

Dagaalka Israel ee Gaza, oo ay khubaro iyo dowladoba si isa soo taraysa ugu tilmaameen xasuuq, ayaa lagu dilay in ka badan 57,000 oo Falastiiniyiin ah, wuxuuna barakiciyay ku dhawaad dhammaan dadweynihii tan iyo bishii Oktoobar 2023. Weerarku wuxuu dhulka Falastiiniyiinta ka dhigay mid aan ku habboonayn nolosha, isagoo laba milyan oo qofna ku reebay gaajo.

“Xasuuqa Falastiiniyiinta wuxuu halis ku yahay nidaamkeenna caalamiga ah ee dhinacyada badan leh,” ayuu Mauricio Jaramillo Jassir, wasiir ku xigeenka arrimaha dhinacyada badan ee Colombia, u sheegay Middle East Eye.

“Colombia kama aamusi karto marka ay aragto midab-takoor iyo isir-sifayn.”

“Magaalada Bogota, dowladaha isugu yimid kaliya ma adkayn doonaan ballanqaadkooda ku aaddan ka hortagga xasuuqa, laakiin waxay dejin doonaan tallaabooyin gaar ah si hadalka loogu beddelo ficil wadareed.”

Xubnaha aasaasayaasha ururka waxaa ka mid ahaa Bolivia, Colombia, Cuba, Honduras, Malaysia, Namibia, Senegal iyo South Africa.

Waddamada la filayo inay ka qaybgalaan shirka waxaa ka mid ah Algeria, Bangladesh, Bolivia, Brazil, Chile, China, Cuba, Djibouti, Honduras, Indonesia, Ireland, Lebanon, Malaysia, Namibia, Nicaragua, Oman, Portugal, Spain, Qatar, Turkey, Saint Vincent and the Grenadines, Uruguay, iyo Falastiin.

Mas’uuliyiinta ka qaybgalaysa waxaa ka mid ah Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Falastiin, Francesca Albanese; madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA), Philippe Lazzarini; Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xaqa caafimaadka, Tlaleng Mofokeng; guddoomiyaha kooxda shaqada ee Qaramada Midoobay ee takoorka ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha, Laura Nyirinkindi; iyo Andres Macias Tolosa, oo ka tirsan kooxda shaqada ee Qaramada Midoobay ee arrimaha calooshood-u-shaqeystayaasha.

Tallaabooyin wax-ku-ool ah

Xubnaha Ururka The Hague Group waxay horey u qaadeen tallaabooyin waaweyn 20-kii bilood ee la soo dhaafay si ay u difaacaan una dhaqangeliyaan sharciga caalamiga ah.

South Africa, tusaale ahaan, waxay dacwad taariikhi ah oo ka dhan ah Israel ka gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), taasoo ku saabsan ku xadgudubka Axdiga Xasuuqa ee Gaza.

Dhowr waddan oo ka tirsan isbahaysiga ayaa markii dambe ku biiray dacwaddii South Africa ee ICJ, kuwaas oo ay ka mid yihiin Bolivia, Colombia iyo Namibia.

Intaa waxaa dheer, Namibia iyo Malaysia waxay dekedahooda ka hor istaageen maraakiib hub u siday Israel inay ku soo xirtaan, halka Colombia ay xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay dowladda Israel.

Maadaama dadaalladan si gooni-gooni ah loo qaaday, Ururka The Hague Group wuxuu hiigsanayaa inuu isku dubbarido tallaabooyinka ay qaadayaan dalalka xubnaha ka ah iyo kuwa taageersan si loo helo saameyn xooggan.

Sida ay sheegtay isku-duwaha ururka, Varsha Gandikota-Nellutla, ururka waxaa qayb ahaan loo aasaasay iyadoo laga falcelinayo u hoggaansami la’aanta dowladaha ee waajibaadka sharci ee caalamiga ah ee qasabka ah.

Tani waxay tixraac ku tahay diidmadii ay dowladaha reer Galbeedka qaarkood kala horyimaadeen amarradii xarigga ee ay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) u jartay Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo wasiirkiisii hore ee gaashaandhigga Yoav Gallant bishii Nofeembar 2024, iyo sidoo kale sida ay Israel ugu guuldareysatay inay u hoggaansanto amarro dhowr ah oo ka soo baxay Maxkamadda ICJ oo ahaa inay xaqiijiso in aan Axdiga Xasuuqa lagu xadgudbin gudaha Gaza.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News