Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday in ay bilowday baaritaan ku saabsan sababta ka dambeysa diyaaradii dhawaan ku burburtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Diyaaradan oo ay lahaayeen ciidanka Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa ku burburtay gudaha xeyndaabka garoonka Muqdisho. Diyaaradda ayaa shilka gashay xilli ay kusoo degaysay garoonka magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Afhayeenka ciidamada Uganda, Felix Kulayigye ayaa sheegay in diyaaradda ay saarnaayeen sideed qof, isla markaana ay ka duushay garoonka Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Sidoo kale wuxuu xusay in shilka ay ka badbaadeen duuliyihii, ku-xigeenkiisa iyo injineerka duulimaadka, balse ay la kulmeen dhaawacyo culus iyo gubasho. Afar kale ayaa ku geeriyooday, halka saddex qof oo dhulka joogay ay sidoo kale ku dhaawacmeen shilka.
Afhayeenka ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda Uganda ay si dhab ah u baarayso waxyaabaha sababay shilka, si loo ogaado wixii ka khaldamay hawl-galka diyaaradda.
Shilkan ayaa dhacay iyadoo horey bishii September ee sanadkii hore ay ciidamada Uganda u waayeen diyaarad qumaatiga u kacda oo ku dhacday inta u dhexeysa Muqdisho iyo Ballidoogle.
Uganda ayaa tan iyo 2007 ka mid ahayd dalalka ugu ciidanka badan ee ku sugan Soomaaliya, iyaga oo qeyb ka ah howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM.
Si kastaba, howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika oo loo yaqaano AUSSOM, ayaa ka caawiya dowladda Soomaaliya la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, oo ah urur ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya. Howl-galkan waxaa ka mid ah ciidamo ka kala socda dalal ay ka mid yihiin Itoobiya, Uganda iyo Kenya.

