28.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

NISA oo fulisay saddex howlgal oo khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa howl-gallo qorsheysan saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyay deegaannnada Qoordheere, Xawaala-kulan, Reydableey iyo magaalada Ceelbaraf oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howl-galladan ayaa waxaa lagu dilay ilaa 13 xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka mid ahaa kooxda Al-Shabaab, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay hay’adda NISA.

Howl-galka koowaad ayaa ka dhacay deegaanka Qoordheere oo hoostaga degmada Raagaceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa lagu beegsaday koox Shabaab ah oo afartii maalin ee u dambeysay isku abaabulayey halkaas.

Howl-galkan ayaa lagu dilay ilaa afar xubnood oo Shabaab ah, waxaana la burburiyay Teendhooyin iyo keyd hub ah oo ay ka sameysteen geedaha hoostooda.

Dhanka kale, inta u dhaxeysa deegaannada Xawaala-kulan iyo Reydableey ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa laga hortagay maleeshiyaad ka tirsan kooxda oo halkaas ka waday qorshe ay doonayeen in ay amniga ku carqaladeeyaan.

Hay’adda ayaa sheegtay in isla goobtaas lagu dilay shan xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Howl-galka saddexaad oo ka dhacay buurta Ceelbaraf oo dhinaca galbeed 2 KM kaga beegan magaalada Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday koox kale oo Shabaab ah oo maleegayay dhagaro argagixiso, ilaa afar maleeshiyaad ah ayaana halkaas lagu soo afjaray, sida ay sheegtay hay’addu.

- Advertisement -

Read more

Local News