28.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Xog: DF oo maanta ciidamo geyneyso gobolka GEDO

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta ciidamo dheeraad ah ay gayso qaybo kamid ah gobolka Gedo, kuwaas oo diyaarado looga qaadayo magaalada caasimada ah ee Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamada ayaa si gaar ah looga dajin doonaa degmada Beledxaawo oo ay haatan ka taagan tahay xiisad u dhexeyso dowladda dhexe iyo Jubaland.

Ujeedka ciidamada laga qaadayo Muqdisho ayaa ah lagu xoojiyo kuwa Xoogga dalka ee horay u joogay degmadaasi, si looga hortago dhaq-dhaqaaq ay halkaas ka bilaabeen ciidamada Jubaland.

Wararka ayaa sheegaya in daraawiishta Jubaland ay saldhigyo cusub ka sameysteen qaybo kamid ah Beledxaawo, sidoo kalena ay kusoo dhawaadeen garoonka diyaaradaha degmadaas oo ay inta badan gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale cabsi ka muujinayo in dagaal uu ka qarxo halkaasi, maadaama labada dhinac ay bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo.

Xaaladda ayaa ah mid aad kacsan, waxaana sidoo kale magaalada Beledxaawo ku sugan wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan oo shalay gaaray halkaasi, kadibna bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culsu iyo kulamo xasaasi ah.

Arrinta soo celisay xiisadda Gedo ayaa la xiriirta damaca Villa Soomaaliya ee ku aadan sidii ay ku heli lahayd kuraasta xildhibaannada ee taalla gobokaasi, maadaama la aadi doono doorashooyin toos ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in qorshahan ay wax ka fuli doonaan xubno horey uga tirsanaa Jubaland oo lagu biiriyey saraakiil cusub, kuwaas oo lagu wareejin doono gaadiid dagaal iyo ciidamo qorshuhua yahay in diyaarado looga qaado magaalada Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas oo lagu kalsoonaan karo.

Si kastaba, arrinta gobolka Gedo ayaa marar badan soo noq noqotay, waxaana si aad ah xiisadda loo dareemaa marka gaaro xilliyada doorashooyinka oo dhinacyadu ay si gaar ah ugu hardamaan kuraasta taalla gobolkaasi, si ay u helaan codka xildhibaannada Gedo.

- Advertisement -

Read more

Local News