26.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Xamza oo C/rashiid Janan u adeegsanaya dagaalka Gedo

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan), xilli ay haatan soo cusboonaatay xiisadda gobolka Gedo.

Kulanka labada mas’uul oo ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa diiradda lagu saaray xaaladda murugsan ee Jubaland, maadaama mar kale ay fooda is darayaan Villa Somalia iyo Axmed Madoobe.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in Xamza iyo Janan ay kulankooda ku falanqeeyeen xiisadda gobolka Gedo, gaar ahaan qorshaha dowladda federaalka ka damacsan tahay gobolkaasi oo ay ugu horreyso hirgelinta doorashooyinka tooska ah.

Sidoo kale, xogaha aan helnay ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaruhu doonayo in Janan uu u adeegsado dagaalka Gedo, maadaama uu yahay nin saameyn leh oo kasoo jeeda gobolkaas.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo mar kale dowladda dhexe ay bilowday inay ciidamo u daabusho gobolkaas, gaar ahaan degmada Beledxaawo, iyada oo ujeedka uu yahay  in ciidamadaas lagu xoojiyo kuwii horay u joogay degmadaasi, loogana hortago dhaq-dhaqaaq ay dhankooda halkaas ka bilaabeen ciidamada Daraawiishta maamulka Jubaland.

Wararka ayaa sheegaya in Daraawiishta Jubaland ay saldhigyo cusub ka sameysteen qaybo kamid ah Beledxaawo, sidoo kalena ay kusoo dhawaadeen garoonka diyaaradaha degmadaas oo ay inta badan gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale magaalada ku sugan wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan oo maalin kahor gaaray halkaasi, kadibna bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culsu iyo kulamo xasaasi ah oo ka dhan ah dowladda federaalka ah.

Si kastaba, xiisadda gobolka Gedo ayaa marar badan soo noq-noqotay, waxaana si aad ah xiisadda loo dareemaa marka gaaro xilliyada doorashooyinka oo dhinacyadu ay si gaar ah ugu hardamaan kuraasta taalla gobolkaasi, si ay u helaan codka xildhibaannada Gedo.

- Advertisement -

Read more

Local News