29.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Puntland oo beenisay heshiis dhaqaale badan oo la sheegay inay la gashay Imaaraadka

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa beeniyay warqad si weyn u faaftay oo lagu sheegay in Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ay shirkada Imaaraadka ah ee DP World la gaartay heshiis dahabka iyo naxaasta.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in uusan jirin qandaraas macdan qodis oo ay bixisay Puntland.

“Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta waxay caddaynaysaa in aanay waxba ka jirin warqadda wareegeysa baraha bulshada ee lagu sheegay in wasaarada ay la wado tartan qandaraas macdaneed shirkada DP World ee maamusha dekadda Bosaaso,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Wasaaradda ayaa caddeysay in warqada wareegaysay ay ku jiraan qaladaad lagu garan karo in ay rasmi aheyn sida; magaca, wasaaradda, emailka, iyo dhamaan taleefanada iyo ciwaanadda ku xusan warqada, oo dhamaantood ay ku sheegtay inay yihiin been abuur, aysan waxba ka jirin.

“Waxaan markasta uga digeynaa shacabkeena in aan lagu jaahwareerin, laguna marin habaabin wax aan sal iyo raad toona lahayn iyadoo laga leeyahay dano siyaasadeed oo lagu khal-khal gelinayo xasilloonida iyo wada jirka bulshada reer Puntland,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Shacabka maamulka ayaa lagu booriyay in ay u midoobaan ka shaqeynta amnigooda iyo xasilloonida deegaankooda, si loo helo jawi loogu adeegi karo bulshada.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

War-saxaafadeed

Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dowladda Puntland, waxay caddaynaysaa in aanay waxba ka jirin warqadda wareegaysa baraha bulshada ee lagu sheegay in Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ay la wado tartan qandaraas macdaneed shirkadda DP World ee maamusha dekedda Bosaso.

Waxa kale oo Wasaaraddu caddaynaysaa in khaladaad qoraaleed ay ku jiraan warqada, oo ay ka mid yihiin, Magaca, Wasaaradda, E-mailka, iyo dhammaan Teleefanada iyo ciwaanada ku xusan warqada ee ayihiin been abuur, waxna aysan ka jirin.

Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha waxay u xilsaarnatahay horumarinta iyo tayeynta dhammaan kaabayaasha dhaqaalaha ee Macdanta, Tamarta iyo Biyaha, waxaana marwalba waajib ku ah in ay la wadaagto bulshada reer Puntland tallaabo walba oo horumarineed oo loo qaado dhankaas.

Siyaasadda Dowladda Puntland waxay gun-dhig u ah hufnaan, waxaana lala wadaagi doonaa dhammaan bulshada heshiisyada khuseeya horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyada oo loo soo bandhigi doono hay’adaha ay khuseyso gaar ahaan Xukuumadda iyo Baarlamaanka oo wakiil ka ah shacabka.

Waxaan markasta uga digeynaa shacabkeena in aan lagu jaahwareerin, laguna marin habaabin wax aan sal iyo raad toona lahayn iyadoo laga leeyahay dano siyaasadeed oo lagu khal-khal gelinayo xasilloonida iyo wada jirka bulshada reer Puntland.

Ugu dambayn waxaan ku boorinaynaa shacabka reer Puntland in ay u midoobaan ka shaqeynta amnigaooda iyo xasilloonida deegaankooda si loo helo jawi loogu adeegi karo bulshada, loogana shaqayn karo horumarinta deegaankaa iyo kor u qaadista dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dadka reer Puntland.

- Advertisement -

Read more

Local News