26.1 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

DF oo maanta si cajiib ah u xustay xiriirka 65 sano jirsaday ee Shiinaha

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa 65 sano jirsaday, iyadoo maanta si cajiib ah loogu xusay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xarunta Tiyaatarka ayaa waxaa ka dhacay bandhig lagu xusayo sanad-guurada 65 ee xiriirka labada dal, taas oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, gaar ahaan Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka.

Hoballada Waaberi ayaa soo bandhigay heeso luuqadaha Soomaaliga iyo Shiinaha ah ay ku sameeyeen iyo ciyaaro dhaqameed. Waxaa halkaasi ku sugnaa Safiirka Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu iyo masuuliyiin kale oo kasoo jeeda dalkaas.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo mas’uuliyiinta Shiinaha ku wehlinayay bandhigan ayaa tilmaamay ahmiyada xiriirka saaxiibtinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

“Soomaaliya iyo Shiinaha waxa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo dhidibada u aasnaa tan iyo xornimadii, Waxaan si weyn u qadarinaynaa taageerada joogtada ah ee aan ka helno Dowladda Shiinaha, gaar ahaan dhanka dhaqanka iyo warbaahinta,” ayuu yiri Wasiir Daa’uud.

Waxa uu intaas kusii daray ‘’Booqashada Safiirka ee Golaha Murtida ee maanta waa mid calaamad u ah saaxiibtinimada ee labada dal iyo xiriirka muddada dheer soo jiray.”

Intaas kadib Wasiir Daa’uud iyo Danjire Yu ayaa yeeshay kulan gaar ah, kaas oo diirada lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada dhaqanka iyo warbaahinta, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen doonista sii ballaarinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dowladood.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa si wadajir ah u kormeeray Keydka Codadka Taariikhiga ah ee Radio Muqdisho, halkaas oo ay warbixin kooban oo ku saabsan xaaladda keydka ay ka dhageysteen khubarada Keydka Qaranka iyo qorshaha Wasaaradda ee casriyeynta keydka (digitalization).

Danjire Wang Yu ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay booqashada Golaha Murtida Qaranka iyo bandhigga ay sameeyeen Hoballada Waaberi.

Safiirka ayaa intaa ku darey in Dowladda Shiinaha ay ka go’antahay inay sii waddo taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka dhaqanka iyo warbaahinta, isla markaana uu u arko in Golaha Murtida uu yahay astaan dhaqan oo heer qaran ah.

Ugu dambeyntiina, Wasiirka Warfaafinta ayaa Safiirka Shiinaha ku maamuusay laba sawir-gacmeed oo ay soo diyaariyeen Qeybta Farshaxanka Waaberi, mid ka mid ahna uu yahay sawir gacmeedka labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka tarjumaya kulankii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Beijing ee caasimadda dalkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News