Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada, kaasi oo looga hadlay dagaalka Al-Shabaab.
Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga warbixiyey xaaladdihii ugu dambeeyay ee dhanka amniga, isagoo sheegay in farsamo ahaan laga shaqeynayo sidii dib looga saari lahaa Al-Shabaab degmooyinka iyo deegaanada ay weli kaga sugan yihiin maamulka HirShabelle.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in ay taageerayaan ciidanka deegaanka si ay u xoojiyaan dagaalka Al-Shabaab, xilli ay dowladda federaalka ka gaabisay kaalinteedii kaga aadaneyd halganka socda.
Abaabulka hadda socda ayaa kusoo aadayo, iyada oo la qorsheynayo dib u qabashada degmada Moqokori oo muddo dheer ay difaacayeen Macawiisleyda Xawaadle, balse dhawaan u gacan gashay cadowga.
Maamulka ayaa ciidamadii ugu badnaa iyo gaadiidka dagaalka isugu geynaya degmada Maxaas, oo ah goobta looga duulaayo Moqokori. Maxaas oo ku taalla bartamaha gobolka Hiiraan ayaa haatan noqotay meel istiraatiiji ah oo laga dardar-galinayo howl-galka.
Si kastaba, Qorshaha ugu wayn ayaa ah in laga hortago in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay isku fidiyaan gobolka Hiiraan oo inta badan horay looga xoreeyay, inkasta oo deegaanada qaar ay dib u qabsatay kooxdu.
Kooxda ayaa iyadu fursad u heshay inay dib isu abaabusho, ayna weerarro cusub qaaddo, halka dowladda federaalka oo gulufkan dagaal billowday ay ku mashquulsan tahay arrimo siyaasadeed.

