25.9 C
Mogadishu
Tuesday, November 18, 2025

Dowladda oo qaaday tallaabo muhiim ah kadib amarkii uu bixiyay R/W Xamza ee Awdal

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta amray in hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh ay dhakhso uga howl-galaan sidii gurmad deg-deg ah loo gaarsiin lahaa bulshada gobolka Awdal oo degmooyin kamid ah ay soo wajahday xaalad abaar oo xooggan.

Kadib amarka Ra’iisul Wasaaraha, isla maanta waxa uu Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SODMA), Maxamuud Macallin Cabdulle uu isugu yeeray kooxda Bank’aadannimada ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa ahaa mid heer sare ah oo ay isugu yimaadeen dhamaan kooxda Bani’aadannimada Soomaaliya oo ka kooban wakiilllada deeq-bixiyeyaasha iyo madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha ka sii daraya ee gobollada Waqooyi gaar ahaan gobolka Awdal, dib-u-eegista siyaasadda maaraynta khatarta musiibooyinka (DRM), iyo hirgelinta khariidadda kala-guurka ee SODMA-QM.

Guddoomiyaha SODMA ayaa adkeeyey baahida loo qabo in si isku-duuban looga jawaabo baahiyaha degdegga ah, isla-markaana la xoojiyo adkaysiga bulshada iyo karaanka Hay’adaha dowliga ah.

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka arrinsaday xaaladda gobolka Awdal, gaar ahaan arrimaha bani’aadanimo ee ka jira Lughaya, Saylac iyo tuulooyinka hoos yimaada.

Kulankan oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa looga hadlay sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaartu saameysay ee gobolka Awdal, iyada oo warbixin ku saabsan sameynta abaarta iyo heerarka ay gaarsiisan tahay laga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo hay’adda SODMA, kuwaas oo soo bandhigay wax yeellada abaarta ay gaarsiisey dadka, xoolaha iyo wax-soo saarka.

Xamza Cabdi Barre oo kulanka ka hadlay ayaa faray hay’adaha dawladda ee ku shaqada leh in ay u istaagaan wax-ka qabashada xaaladda abaarta xooggan ee ka jirta deegaannadaasi iyo sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa bulshda, taas oo isla maantaba loo dhaqaaqay.

Si kastaba, xukuumadda Soomaaliya ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iyo hey’adaha caalamiga ah in ay qeyb ka noqdaan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaartu saamaynta ku yeelatay.

- Advertisement -

Read more

Local News