Muqdisho (Caasimada Online) – Howl-galka Midowga Yurub ayaa loo soo magacaabay Taliye cusub, kaasi oo maanta si rasmi ah ula wareegay xilka.
Jeneraal Marco Manzone ayaa maanta la wareegay xilka Taliyaha howl-galka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM – Somalia), kadib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho.
Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo halkaas ka jeediyay hadal kooban oo uu kaga hadlay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta joogtada ah ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Wasiirka ayaa Jeneraal Manzone ugu hambalyeeyay xilka cusub ee loo magacaabay, isaga oo u rajeeyay inuu noqdo mid sii xoojiya dadaallada socda ee lagu dhisayo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa u mahad-celiyay Taliyihii hore ee howl-galka, General Giusseppe Zizzari, isagoo ku ammaanay hoggaan wanaagsan iyo dedaal uu muujiyay muddadii uu xilka hayay.
Axmed Fiqi ayaa si gaar ah ugu bogaadiyay General Zizzari kaalinta uu ka qaatay horumarinta iskaashiga dhanka milatariga ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub, taas oo uu ku tilmaamay mid mira-dhal leh.
Wasiirka ayaa mar kale muujiyay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay inay sii wadato iskaashi buuxa oo la leh saaxiibadeeda caalamiga ah, si sare loogu qaado awoodda iyo xirfadda ciidamada qalabka sida.
Howl-galka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM – Somalia) ayaa waxaa la bilaabay 15 sano ka hor, waana mid lagu xoojinayo dhismaha hay’adaha qaranka, gaar ahaan tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.









