Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi oo maanta Muqdisho uga qayb-galay furitaanka shirka Wasiiradda Gaashaandhigga dalalka ku jira Ciidanka Heeganka ah ee Afrkada Bari ayaa ka xumaaday su’aal laga waydiiyay markabka hubka ee ay shalay gacanta ku dhigeen ciidanka badda ee maamulka Puntland.
Axmed Macallin Fiqi oo kasoo baxay hoolka shirka ayaa hadal kooban siiyay warbaahinta, isaga oo uga horreyn ka warbixiyay muhiimadda uu shirkaan u leeyahay Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in ay tahay markii u horreysay oo Soomaaliya ay martigelisay shirkan laguna qabto Muqdisho, taas oo uu tilmaamay inay geliyeen dadaal xooggan.
“Shirku waa muhiim, runtii 5 maalmood ayuu socday maalinkii u dambeysay ee lasoo qatimayay weeye, waana markii koowaad ee Soomaaliya lagu qabtay” ayuu yiri Fiqi
Intaas kadib Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa mid kamid ah wariyeyaasha ku sugnaa goobta uu su’aal ka waydiiyay hubka ay qabsatay Puntland, isaga ka xumaaday su’aashaas, wuxuuna gebi ahaan isaga dhaqaaqa goobta uu kula hadlayay warbaahinta.
Muuqaal kooban oo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo Fiqi oo carooday, isla markaana diiday inuu wax jawaab ka bixiyo markabka hubka ee u gacan galay Puntland oo uu haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeyo dawladda Soomaaliya.
Markabka oo lagu magacaabo Sea World ayaa waxaa laga leeyahay dalka Turkiga, wuxuuna ku socday dhanka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, halkaas oo uu gayn rabay hub culus iyo gaadiid gaashaaman oo loo waday dawladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Puntland oo soo bandhigtay markabkan ayaa sheegtay in weli ay ku hayso baaris dheeraad ah, waxaana saaka la geeyay dekedda weyn ee magaalada Boosaaso.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in markabkan wayn oo markii hore cilad soo wajahday la caawiyay, siday muujinayaan sawirro lagu baahiyay baraha bulshada.
Dhacdadan ayaa si degdeg ah u noqotay qodob kale oo sii hurin kara xiisadda maamulka Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, oo illaa hadda aan ka hadlin arrintan. Labada dhinac ayaa xiriirkoodu ahaa mid cakiran oo inta badan ay colaado hareeyeen muddo dheer.

