Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay Jimcihii in ilaa shan diyaaradood la soo riday intii ay socdeen iska-hor-imaadyadii dhowaan dhexmaray Hindiya iyo Pakistan, kuwaas oo bilowday ka dib weerar bishii Abriil ay koox Islaamiyiin xagjir ah ka geysteen gobolka Kashmiir, qeybta ay Hindiya maamusho, iyadoo xaaladdu ay degtay ka dib xabbad-joojin la gaaray bishii May.
Trump, oo hadalkan ka sheegay casho sharaf uu Aqalka Cad kula yeeshay qaar ka mid ah sharci-dejiyeyaasha Jamhuuriga ee Maraykanka, ma uusan sheegin dhinaca ay ka tirsanaayeen diyaaradaha uu tilmaamayay.
“Xaqiiqdii, diyaarado ayaa hawada laga soo ridayay. Shan, shan, afar ama shan, laakiin waxaan u malaynayaa in shan diyaaradood dhab ahaan la soo riday,” ayuu yiri Trump isagoo ka hadlayay iska-hor-imaadyada Hindiya iyo Pakistan, isagoon bixin faahfaahin dheeraad ah.
Pakistan ayaa sheegatay inay soo ridday shan diyaaradood oo ay leedahay Hindiya dagaal hawada ah oo toos ah. Jeneraalka ugu sarreeya ciidanka Hindiya ayaa sheegay dabayaaqadii bishii May in Hindiya ay beddeshay xeeladeeda dagaal ka dib markii khasaare uu kasoo gaaray hawada maalintii ugu horreysay ee iska-hor-imaadyada, ayna gacanta sare yeelatay ka hor inta aan lagu dhawaaqin xabbad-joojin saddex maalmood ka dib.
Trump ayaa si isdaba joog ah u sheegtay inuu isagu ka dambeeyay xabbad-joojintii dhexmartay Hindiya iyo Pakistan, taasoo uu kaga dhawaaqay baraha bulshada 10-kii May ka dib markii Washington ay wada-hadallo la yeelatay labada dhinac. Hase yeeshee, Hindiya ayaa diidday sheegashada Trump ee ah in xabbad-joojinta ay timid ka dib faragelintiisa iyo hanjabaadihiisii ahaa inuu joojinayo wada-hadallada ganacsiga.
Mowqifka Hindiya wuxuu ahaa in New Delhi iyo Islamabad ay tahay inay si toos ah u xallistaan dhibaatooyinkooda iyadoo aysan jirin cid dibadda ah oo soo faragelisa.
Hindiya waa saaxiib muhiimad sii kordheysa u leh dadaalka Washington ay kaga hortagayso saamaynta Shiinaha ee Aasiya, halka Pakistan-na ay tahay dal xulafo la ah Maraykanka.
Weerarkii bishii Abriil ka dhacay gobolka Kashmiir ee ay Hindiya maamusho ayaa lagu dilay 26 nin, wuxuuna huriyay dagaal culus oo dhexmaray labadan dal ee deriska ah ee Aasiya, kuwaasoo ku hubaysan hubka nukliyeerka, kaasoo noqday kii ugu dambeeyay ee xiisadaha ka dhasha loolan tobannaan sano soo jiray.
New Delhi waxay weerarkaas ku eedaysay Pakistan, taasoo iska fogeysay mas’uuliyadda, iyadoo ku baaqday in baaritaan dhex-dhexaad ah lagu sameeyo.
Washington way cambaaraysay weerarka balse si toos ah uma aysan eedayn Islamabad.
7-dii bishii May, diyaaradaha dagaalka ee Hindiya ayaa duqeeyay goobo ku yaalla dhinaca kale ee xadka, kuwaasoo ay New Delhi ku tilmaantay “kaabayaal argagixiso,” taasoo horseedday is-weydaarsi weerarro ah oo labada dal ay isku adeegsadeen diyaaradaha dagaalka, gantaallada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo madaafiicda, kuwaasoo ay ku dhinteen tobannaan qof ilaa laga gaaray xabbad-joojinta.