Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ee fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa soo saaray war culus oo la xiriira markabkii hubka siday ee Jimcihii u gacan galay Puntland, waxayna dalab u dirtay beesha caalamka.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in go’aankii ay Qaramada Midoobay xayiraadda hubka kaga qaaday Soomaaliya uu ahaa mid khaldan, isla markaana maanta ay taagan tahay saameyntiisa.
Cabdiraxmaan Daahir ayaa xusay in sidoo kale in go’aanka qaadista xayiraadda hubka uu sababay xasilooni darro wayn, uuna sii xoojiyay khatarta kooxaha xagjirka ah, sida uu hadalma u dhigay.
“Go’aanka Qaramada Midoobay kaga qaaday xayiraadda hubka waddanka fashilmay ee Soomaaliya wuxuu horseeday cawaaqib baaxad leh oo sababay xasillooni darro. Halkii uu gacan ka geysan lahaa nabadda iyo xasilloonida, wuxuu xoojiyay kooxaha xagjirka ah wuxuuna sii huriyay amni darrada ka jirta gobolka,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibada Somaliland.
Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray waddamada beesha caalamka, isaga oo ugu baaqay inay dib u eegaan go’aanka qaadista cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, si looga fakiro amniga gobolka Geeska Afrika, loogana hortago wax kasta oo halis ku ah.
“Beesha caalamku waa inay si degdeg ah dib u eegis ugu sameeyaan tallaabadan, iyagoo tixgelinaya khataraha sii kordhaya ee ku wajahan Geeska Afrika,” ayuu sii raaciyay.
Somaliland ayaa u muuqato in durbo siyaasad ahaan iyo diblumaasiyad ahaan uga faa’iideysaneyso dhacdadan oo Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacday xeebaha bari ee maamul-goboleedka Puntland, kadib markii markab wayn oo siday hub uu u gacan galay Puntland, kaas oo kusoo socday dhanka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Markakabka oo lagu magacaabo Sea Word, lagana leeyahay Turkiga oo siday shixnad aad u badan oo hub ah iyo dabaabado dagaal, waxaana haatan la geeyay dekedda Boosaaso.
Si kastaba, Milkiyadda markabka oo la sheegay inay Turkey leedahay iyo halka uu ku socday ee Muqdisho, ayaa dhalisay su’aalo culus, gaar ahaan marka la eego iskaashiga xoogan ee dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha ee ka dhexeeya Turkey iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Tan iyo horraantii 2010-kii, Turkey waxa ay door muhiim ah ka ciyaartay dib u dhiska ciidamada amniga Soomaaliya iyo bixinta qalabka militari.