Boosaaso (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska xeer-ilaaliyaha gobolka Raas-casayr ee Puntland ayaa waxaa looga hadlay qabashada markabkii hubka u siday Dawladda Soomaaliya ee Jimcihii lasoo dhaafay lagu qabtay xeebaha gobolka Bari, iyada oo inta badan hubkii fududaa ay la dageen dad shacab ah oo weeraray aagga lagu hayay hubka.
Cabdiraxmaan Maxamuud Cali oo ah xeer-ilaaliyaha gobolka ayaa amar deg-deg ah ku bixiyay in la soo celiyo hubkii fududaa ee lagala degey Markabka Sea World, kaas oo lagu qabtay aagga degmada Bareeda ee gobolka Raasi-casayr ee maamulka Puntland.
Cabdiraxmaan Maxamuud Cali ayaa si gaar ah taliska qaybta booliska gobolka Raas-casayr ugu amray inuu faah-faahin rasmi ah ka soo gudbiyaan cidda fuushay markabka, soona caddeeyo qaabka uu shacabka ugu gacan galay hubka illaa iyo hadda maqan.
“Waxaa la farayaa taliyaha qaybta booliska ee gobolka Raas-casayr in aad xafiiska lasoo wadaagto warbixinta markabka Sea World iyo hubka gacanta shacabka galay iyo cidda ka mas’uulka ka ah” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska xeerilaaliyaha ee Raas-casayr.
Sida aan shalay baahinay hubka fudud ee markabka saarnaa, gaar ahaan qoryaha fudud iyo bistoolado waxaa la dagay maleeshiyaad hubeysan oo ay suuragashay inay gaaraan markabka, iyaga oo la wareegay inta badan hubkii fududaa ee saarnaa markabka.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in arrintaan ay ku lug leeyihiin mas’uuliyiin deegaanka ah, kuwaas oo wax kala dagay hubka fudud ee u gacan galay shacabka.
Markabka oo sida hub culus iyo gaadiid gaashaaman ayaa ugu dambeyn shalay ku xirtay dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, siday muujinayaan sawirro la helay oo lagu baahiyay baraha bulshada.
Saraakiisha amniga Puntland ayaa xaqiijiyey qabashada markabka, iyagoo xusay inuu hadda gacanta ugu jiro Ciidanka Badda Puntland (Puntland Maritime Police Force – PMPF) isla markaana lagu wado baaritaan rasmi ah. “Hubka oo dhan waxa uu xambaarsan yahay calaamado Turkish ah,” ayuu sarkaal ka tirsan Puntland uu sheegay warbaahinta deegaanka, mana uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca iyo tirada hubka.
Dhacdadan ayaa si degdeg ah u noqotay qodob kale oo sii hurin kara xiisadda maamulka Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, oo illaa hadda aan ka hadlin arrintan. Labada dhinac ayaa xiriirkoodu ahaa mid cakiran oo inta badan ay colaado hareeyeen muddo dheer.
Si kastaba, Milkiyadda markabka oo la sheegay inay Turkey leedahay iyo halka uu ku socday ee Muqdisho, ayaa dhalisay su’aalo culus, gaar ahaan marka la eego iskaashiga xoogan ee dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha ee ka dhexeeya Turkey iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Tan iyo horraantii 2010-kii, Turkey waxa ay door muhiim ah ka ciyaartay dib u dhiska ciidamada amniga Soomaaliya iyo bixinta qalabka militari.