Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka badbaaday qorshe u muuqday shirqool Itoobiya loogu daneynayo, si ay u soo gaarto badda Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay iska diiday in dhoolatus badeed la sameyso dalal aan bad laheyn. Qorshahan oo ay fahmeen madaxda Soomaaliya ayaa ujeedkiisu ahaa in Itoobiya ay qeyb ka noqoto dhoolatuska badeed, maadaama ay si weyn u daneynayso gaarista badda.
“Waxaan diidnay in dhoollatus badeed aan la samayno dalal aan bad lahayn, dalkayagana kama dhacayso taas,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.
Waxa uu intaas kusii daray: “Waxay doonayeen in naloo hoos geliyo dalal muranno naga dheexaayaan.”
Itoobiya oo kamid ah dalalka badda laheyn ayaa saaxiibada gobolka ku riixayso in ay qeyb ka noqoto dhoolatus la qorsheynayo inuu ka dhaco biyaha Soomaaliya. Dalabka Itoobiya ee tababarka la qorsheeyay ayaa si weyn uga yaabiyay dowladda Soomaaliya, oo ayadu diiday.
Arrintan ayaa imaneysa xilli ay dhawaan Itoobiyaanku si ganbasho la’aan ah ay Muqdisho uga dhawaaqeen in howl-galka nabad ilaalinta Soomaaliya ay kusoo darayaan ciidamadooda badda.
Dowladda Itoobiya ayaa shirka dalalka ciidanka heeganka Afrikada Bari oo maalmihii lasoo dhaafay ka qabsoomay Muqdisho ka sheegtay in cutubyada ugu horreeya ee ciidanka howl-galka AUSSOM ee dhankooda ka imaanaya ay ka dhigayaan kuwa badda, isla markaana ay diyaariyeen maraakiib, doonyo iyo guud ahaan agabkii ay ciidankaasi ku hawl-geli lahaayeen.
Saraakiisha Itoobiya ayaa dood yaab leh ku soo bandhigay shirkaasi, iyaga oo lasoo baxay heshiis ay sheegeen in dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku kala saxiixdeen Addis Ababa, markii la qeybsanayey ciidanka AUSSOM, kaas oo dhigaya in xilligaas ay Soomaaliya ogolaatay in ciidamada loo soo dirayo ay ka mid noqonayaan kuwa badda.
Dhankooda, saraakiisha Soomaaliya oo uu markaas hoggaaminayey Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga iyo Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Maadey Nuurey Sheekh Ufurow ayaa si adag uga horyimid qorshaha Itoobiya ay Soomaaliya ku keeneyso ciidankeeda badda, wuxuuna shirku maalintaas kusoo dhamaaday buuq iyo sawaxan.
Si kastaba, Itoobiya ayaa weli ku howlan sidii ay kusoo gaari laheyd badda, xilli uu fashilmay heshiiskii xad-gudubka ahaa ee ay la gashay Somaliland, waxayna haatan sida muuqata yoolka ay qorshaheeda ku gaari karto u bedeshay mid xeeladeysan oo loo hoosaasinayo Soomaalida.