25.5 C
Mogadishu
Sunday, July 20, 2025

Shirka madaxweyne Xasan iyo mucaaradka oo mar kale ka furmay Villa Somalia

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mar kale maanta Xarunta Villa Soomaaliya dib uga furmay wada-hadaladii u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta ee Mucaaradka, waxayna wada-hadalladu galeen wajigii saddexaad oo xiriir ah.

Wararka ayaa sheegaya in haatan kulan foolka fool ah uu u socdo labada dhinac, waxaana goobjoog ah inta badan xubnaha mucaaradka ee hoggaaminayo Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isugu dhisay Madasha ay ku mideysan siyaasiyiinta mucaaradka.

Labada dhinac ayaa markan toos u guda galay doodda u dhexeysa ee ku aadan is-mari-waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddalka dastuurka KMG ah, kaasi oo labada dhinac ay la tashiyo kasoo sameeyeen kadib markii la isku dhaafi waayay shirkii hore.

Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu isku dayayo inuu xalliyo tabashada xubnaha mucaaradka dowladda, haddana ma cadda in isfaham ay labada dhinac ku gaari kadaan shirka, oo si dhow isha loogu hayo.

Shirkan waxaa ka horreeyay laba shir oo hore oo ay dhinacyadu kaga doodeen arrimaha hortabinta u leh dalka, balse laguma gaarin wax natiijo ah, iyada oo lagu ballamay inay sii socdaan wada-hadallada oo mar kale maanta oo Axad ah dib loo sii amba qaaday.

Maxaa laga fili karaa shirkaan?

Shirka furmay maanta oo ay ku beegan tahay 20-ka bisha July, labo arrimood midkood ayaa laga filan karaa:

1- Inuu noqdo shir ay ka soo baxaan natiijo shacabka Soomaaliyeed u riyaaqaan, sida in laga heshiiyo waxa dhabta ah ee la isku diidanyahay oo ah nuuca doorashooyinka 2026, guddiga doorashooyinka, dastuurka dalka iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhanyahay.

Heshiis siyaasadeed oo loo dhanyahay waxaa loola jeedaa in wada-xaajoodka la ballaariyo oo la gaarsiiyo madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Sidoo kale waxaa lagama maarmaan ah in la dhagaysto aragtiyadda iyo tallooyinka dhinacyada kale ee siyaasadda sida madaxwaynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

2. Haddii haddaba, Madaxtooyadu ku adkaysato rabitaankeeda siyaasadeed, isla markaana mucaaradka ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed aysan kala qaybsamin, waxaa markaa keddib, la filan karaa, hubanti la’aan siyaasadeed oo baahnsan.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News