Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa loo magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Jubbaland.
Agaasimaha NISA, Mahad Salaad ayaa xilkaan u magacaabay Cabdirashiid Janan, sidoo kalena waa Madaxa Guud ee Hay’addaha Amniga gobolka Gedo, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo wareedyo ka tirsan hay’adda.
Qorshaha magacaabista Cabdirashiid Janan ayaa billow ah dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay damacsan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka billowdo gobolka Gedo.
Cabdirashiid Janan ayaa dhawaan la kulmay madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ka wada-hadlay xaaladda murugsan ee Jubaland, maadaama mar kale ay fooda is darayaan Villa Somalia iyo Axmed Madoobe.
Janan iyo madaxda dowladda ayaa kulamadaasi ku lafa-guray qorshaha dowladda dhexe ka damacsan tahay gobolka Gedo oo ay ugu horreyso hirgelinta doorashooyinka tooska ah. Dowladda Federaalka ayaa haatan Cabdirashiid Janan u adeegsanaysa dagaalka Gedo, maadaama uu yahay nin saameyn leh oo kasoo jeeda gobolkaas.
Si kastaba, magacaabista Janan ayaa imaanaysa, xilli mar kale dowladda dhexe ay bilowday inay ciidamo u daabusho qeybo kamid ah gobolka Gedo, si ay usii xoojiso kuwii horay u joogay gobollaasi, loogana hortago dhaq-dhaqaaq ay dhankooda halkaas ka bilaabeen ciidamada Daraawiishta maamulka Jubaland.
Xiisadda gobolka Gedo ayaa marar badan soo noq-noqotay, waxaana si aad ah xiisadda loo dareemaa marka la gaaro xilliyada doorashooyinka oo dhinacyadu ay si gaar ah ugu hardamaan kuraasta taalla gobolkaasi, si ay u helaan codka xildhibaannada Gedo.