28.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Sawirro: Wafdi culus oo ka socda DF oo gaaray K/Galbeed

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Fartaag ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Wafdiga Wasiirka waxaa si rasmi ah u soo dhaweeyay wasiirka amniga dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Xasan Cabduqaadir Maxamed oo ay wehliyaan saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha amniga, iyo sidoo kale guddoomiyaha degmada Baydhaba.

Wasiirka iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda federaalka maanta gaaray Baydhabo ayaa halkaas u tagay howlo shaqo iyo kormeer amni, xilli ay maamulkaasi ka bilaabatay is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada qof iyo cod.

Wafdiga Wasiirka Amniga Gudaha ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah: Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee XFS, Isaaq Maxamuud Mursal iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta XFS, Maxamed Aadan Maxamed.

Diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ayaa magaalada Baydhaba ka bilaabatay horraantii bishan, iyadoo sidoo kale ay dowladda dhexe qorshahan ka bilowday maamullada Galmudug, HirShabelle iyo SSC-Khaatumo oo heshiis la ah dowladda.

Tallaabooyinka ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli Jubaand, Puntland iyo mucaaradka ay tabasho ka qabaan hanaanka ay wax u waddo Villa Somalia ee la xiriira doorashooyinka.

Si kastaba, hanaankan doorasho ee dardar-gelinayso dowladda federaalka ayaa waxaa si adag uga soo horjeeda siyaasiyiinta mucaaradka, oo iyagu maalmihii dambe magaalada Muqdisho kula shirsanaa Madaxweyne Xasan Sheekh. Labada dhinac ayaa wajahaya cadaadis caalami ah, si aysan xiisadda gacanta uga sii bixin.

- Advertisement -

Read more

Local News