26.4 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Somalia iyo Turkey oo dib ugu noqday saxiixa heshiis xasaasi ah – Maxaa soo kordhay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Istanbul (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS,  Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Türkiga, Mudane Yaşar Güler, ayaa maanta magaalada Istanbul ku kala saxiixday heshiiska wax-ka-beddelka habraaca fulinta ee kaalmada maaliyadeed ee 17-kii Luulyo 2019 dhexmaray labada dal.

Heshiiskan dib u habeynta ah ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiga, gaar ahaan dhanka difaaca, horumarinta tayada Ciidanka Xoogga Dalka, iyo dadaallada joogtada ah ee lagu bixiyo tababarada, qalabeynta  iyo dhismaha awoodda ciidanka.

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in dib u eegidda iyo saxiixa heshiiskan ay muujinayso sii adkeynta xiriirka labada dal iyo sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay si hufan oo waafaqsan maslaxadda qaranka uga faa’iidaysato taageerada walaaltinimo ee ay ka helayso dowladda Türkiga.

  1. Asalka heshiiska:

Heshiiska asalka ah ee kaalmada maaliyadeed waxaa la saxiixay 17-kii Luulyo 2019, wuxuuna ujeedkiisu ahaa in Dowladda Turkiga ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya taageero maaliyadeed oo lagu horumarinayo ciidamada difaaca qaranka, gaar ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).

Heshiiskan waxa uu saldhig u ahaa barnaamijyo kala duwan oo dhanka tababarka, qalabeynta, mushaarka, iyo kor u qaadista xirfadaha ciidanka.

2. Heshiiska wax-ka-beddelka ah ee la saxiixay 2025:

Heshiiskan cusub ee dib-u-habeynta ah ayaa lagu saxiixay Istanbul, Turkiga, waxaana kala saxiixday, Mudane Axmed Macallin Fiqi Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Mudane Yaşar Güler – Wasiirka Difaaca Turkiga.

Ujeedada wax-ka-beddelka ayaa ah in lagu cusbooneysiiyo habraacyadii fulinta ee heshiiskii 2019, si ay ula jaanqaado xaaladda cusub ee dhabta ah ee ciidamada iyo baahiyaha amniga Soomaaliya.

3. Qodobada muhiimka ah ee heshiiska dib loo eegay:

Kordhinta taageerada maaliyadeed iyo farsamo ee Turkigu siinayo Soomaaliya.

Dib u habeyn iyo xoojinta nidaamka tababarka ciidamada oo ay Turkigu bixiyaan.

Kaalmo dheeraad ah oo ku aaddan qalabeynta ciidanka, sida hubka fudud, gaadiidka dagaalka, qalabka isgaarsiinta, iyo agabka kale ee farsamada.

Wada shaqeyn joogto ah oo u dhaxeysa wasaaradaha difaaca ee labada dal, si loo hagaajiyo la-tashiga iyo is-afgaradka fulinta mashaariicda ciidamada.

4. Muhiimadda istiraatiijiyadeed ee heshiiska:

Turkigu waa mid ka mid ah wada-hawlgalayaasha istiraatiijiyadeed ee ugu muhiimsan Soomaaliya, gaar ahaan dhanka dhismaha ciidamada iyo amniga.

Heshiiskan cusub wuxuu sare u qaadayaa kalsoonida labada dhinac iyo diyaarinta ciidamo Soomaaliyeed oo si buuxda u hanan kara mas’uuliyadda amniga dalka.

Waxa uu qeyb ka yahay qorshaha Soomaaliya ee xil-wareejinta amniga marka ciidamada AUSSOM ay ka baxaan dalka dhammaadka 2024 – 2025.

Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in heshiiskan uu muujinayo sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay in ay si hufan u maareyso taageerada dibadda, gaar ahaan tan ka timaada dowladaha sida walaaltinimo u garab taagan Soomaaliya.

Waxa uu intaas ku daray in taageerada Turkigu ay tahay mid cad oo leh dhadhan dhaqan, toosin siyaasadeed iyo amni.

Heshiiskan cusub wuxuu calaamad u yahay xiriir sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Waa tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo ciidan qaran oo tayo leh, madax-bannaan, karti leh, kana madax bannaan gacmo shisheeye. Turkigu waxa uu si gaar ah diiradda u saarayaa in Soomaaliya ay hesho awood ciidan oo u dhiganta baahideeda amni, taasoo muhiim u ah xasilloonida guud ee gobolka Geeska Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News