28.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Markab ka baxay Boosaaso oo lagu qabtay xeebaha Yemen

Bookmark
Bookmarked

Share

Sanca (Caasimada Online) – Ciidanka ilaalada xeebaha ee Yemen ayaa 24-kii bishaan gacanta ku dhigay markab yar oo xoolo sida, kaas oo ka baxay dekedda wayn magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Markabka oo lagu magacaabo Merinos Livestock (leh 2,200 tan) ayaa la sheegay inuu kusii jeeda magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, kahor inta uusan damin qalabkiisa raadraaca (AIS).

Damitaanka aaladdaasi ayaa la rumeysan yahay in ay sababtay in la tuhmo markabka, kadibna ay sidaas kusoo qabteen ciidamada oo haatan ku haayo baaritaanno dheeraad ah.

Kahor qabashada markabka ayaa lasoo wariyay in hal doon oo alwaax ah ay hor istaagtay, waxaana la sheegay in la’si dhaafsaday rasaas fudud, iyada oo markii dame markabka amar lagu siiyay in uu u leexdo dhinaca dekedda Mocha.

Hay’adaha amniga Yemen oo ka hadlay qabashada markabkan ayaa sheegay in la joojiyay kaddib markii dadka deegaanka ay arkeen goobta uu marayay oo ah goob bartilmaameed u ah kooxda Xuutiyiinta ee dalkaasi, waxaana illaa iyo hada haya ciidanka ilaalada xeebaha.

Dhanka kale  saraakiishu weli faah-faahin dheeraad ah kama bixin sababta ka dambeysa qabashada markabkaan, marka la reebo inuu ku socday goob bartilmaameed u ah kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Xuutiyiinta oo ku aadan qabsashada markabkaasi ka baxay xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Boosaaso.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in warbixinta markabka la gaarsiiyay xarunta la socodka maraakiibta ganacsiga badda ee UK (UKMTO), taas oo lagu wargeliyay in markabku gacanta ugu jiro ciidamada ilaalinta xeebaha ee dalkaYemen.

Dhacdadan ayaa waxa ay kusoo aadeyso, iyada oo todobaadkii hore ay Puntland qabsatay markab hub usoo siday magaalada Muqdisho, kaas oo la geeyay dekedda wayn Boosaaso, waxaana markabkaasi sheegatay dowladda Turkiga, taas oo dhalisay xiisad aad u xooggan.

- Advertisement -

Read more

Local News