29.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo ka dagay Jabuuti, una sii gudbaya Itoobiya + Ujeedka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, isaga oo sidoo kale usii gudbaya dalka Itoobiya oo ay ku gaari doono booqasho rasmi ah.

Madaxtooyada Soomaaliya oo qoraal soo saartay ayaa sheegtay in Madaxweynaha uu la kulmi doono dhiggiisa dalkaas Mudane Ismaaciil Cumar Gelle, ayna ka wada-hadli doonaan  xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo adkaynta xasilloonida gobolka.

“Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga wada-hadli doona xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo adkaynta xasilloonida gobolka” ayaa lagu yiri qoraalka Villada.

Intaas kadib Madaxweynaha Soomaaliya ayaa usii u gudbi doono magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, halkaas oo ay ku ballan yihiin ra’iisul Abiy Axmed, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan iyo Abiy ayaa kulankooda si gaar ah diiradda ugu saari doono arrimaha ka taagan gobolka, gaar ahaan xiisadda sare u kacday ee Itoobiya iyo dalalka Badda-cas.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Madaxweynuhu uu Abiy kala hadlo xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrinta Gedo oo ay mar kale kasoo cusboonaatay xiisad Dowladda Federaalka kala dhexeyso maamulka Jubaland, halkaas oo ay sidoo kale joogaan ciidamada Itoobiya.

Safarkaan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu dhowaan Madaxweynuhu ku tegay dalalka Masar iyo Turkiga, isaga oo hoggaamiyeyaasha dalalkaas kala soo hadlay xaaladaha ka taagan Geeska Afrika, gaar ahaan xiisadda haatan kasoo cusboonaatay aagga Badda-cas.

Waxaa kale oo ay booqashadan kusoo aadeysaa, xilli dhowaan Soomaaliya ay iska diiday in dhoolatus badeed la sameyso dalal aan bad laheyn oo ay ku jirto Itoobiya. Qorshahan oo ay fahmeen madaxda Soomaaliya ayaa ujeedkiisu ahaa in Itoobiya ay qeyb ka noqoto dhoolatuska badeed, maadaama ay si weyn u daneynayso gaarista badda.

Itoobiya oo kamid ah dalalka badda laheyn ayaa saaxiibada gobolka ku riixayso in ay qeyb ka noqoto dhoolatus la qorsheynayo inuu ka dhaco biyaha Soomaaliya. Dalabka Itoobiya ee tababarka la qorsheeyay ayaa si weyn uga yaabiyay Dowladda Federaalka, oo ayadu diiday.

- Advertisement -

Read more

Local News