26.4 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Dood xooggan oo hareysay shirweynaha dhismaha SSC – Maxaa la isku hayaa?

Bookmark
Bookmarked

Share

Laacaanood (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhac uu ku yimid xiritaanka shirweynihii ka socday magaalada Laascaanood ee dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, kaas oo qorshuhu ahaa in maanta lasoo gabagabeeyo, sababo la xiriira dood weli ka taagan qaybsiga saamiga xubnaha baarlamaanka ee uu yeelanayo maamulka cusub.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaafka ugu xoogan uu ka taagan yahay qaybsiga 79 xildhibaan oo uu ka koobnaan doono baarlamaanka cusub, taas oo aan weli la’isku fahmin.

Sida qorshuhu ahaa shirka ayaa lagu waday in maanta lasoo gabagabeeyo, kaas oo inta badan is-faham looga gaaray dhismaha maamulka cusub ee gobollada Sool iyo Sanaag.

Sidoo kale warar hordhac ah oo laga helayo shirka lagu dhameystirayo dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, oo ka kooban gobollada SSC iyo Maakhir, ayaa muujinaya is-afgarad laga gaaray arrimo muhiim ah sida magaca, calanka, astaanta, iyo nidaamka maamulka.

Maamulka cusub ayaa lagu magacaabi doonaa Woqooyi-bari, magacaas oo la rumeysan yahay inuu astaan u yahay mideynta gobollada Soomaaliyeed ee waqooyiga ee doonaya is-maamul hoosaad ka madax bannaan Somaliland.

Dadka qaar ayaa sheegaya in magaca “Woqooyi-Bari” la doortay ayadoo ah xeelad looga taqalusay ama lagu dilay sheegashooyinkii labada maamul ee Waqooyi [Somaliland] iyo Bari [Puntland] ee muddo isku haystay dhulka Khaatumo iyo Maakhir.

Calanka maamulka Woqooyi-bari ayaa lagu sifeeyay inuu ka kooban yahay buluug leh xiddig cad, oo ay wehliyaan cagaar iyo caddaan u muuqda sidii farasle. Astaanta maamulka ayaa noqon doonta calanka oo ay garbaha ka hayaan laba faras – mid bidixda ah iyo mid midigta ah – taasoo lagu micneeyay astaan u taagan geesinimo iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Waxaa lagu heshiiyay in Laascaanood ay noqoto caasimadda rasmiga ah ee maamulka cusub. Qaab-dhismeedka maamulka ayaa la sheegay inuu ka koobnaan doono:

  • Madaxweyne
  • Madaxweyne ku-xigeen
  • Guddoomiyaha Golaha Wakiillada
  • Laba ku-xigeen oo Baarlamaanka ah

Si kastaba ha’ahaatee, Gobollada SSC iyo Maakhir waxay muddo dheer ahaayeen goob uu ka taagnaa khilaaf siyaasadeed iyo milatari oo u dhexeeyay Somaliland iyo Puntland.

- Advertisement -

Read more

Local News