Afgooe (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysan oo ay xalay ka fulisay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
NISA ayaa shaaca ka qaaday in laba xubnood oo ka tirsan Khawaarijta ay ku qabatay degmada Afgooye, kadib markii ay si dhuumaaleysi ah ku soo galeen halkaasi.
Labada xubnood mid kamid ah ayaa ah horjooge sare oo argagaxisada u qaabilsanaa uruurinta lacagaha baadda ah, halka kan kale uu ka tirsanaa amniyaatka kooxda, waxaana Hay’adda NISA sheegtay inuu ku howlanaa uruurinta xogta ciidamada iyo inuu fuliyo dilal qorsheysan.
Hay’ada ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in soo qabashada raggan ay daba socotay diginin culus oo 20-kii bishaan ay soo saartay dowladda oo ku aadan uruurinta lacagaha baaddda ah iyo maalgeinta kooxaha argagixisada, taas oo dhan sharciga maaliyadda dalka.
“Qabashada Horjoogahan Khawaarijta u qaabilsanaa lacagaha baadda ah, waxay daba socotaa digniin rasmi ah oo Hay’adda NISA ay soo saartay 20-kii bishan, taas oo lagu caddeeyay in uruurinta iyo bixinta lacagahaasi ay tahay maalgelin argagixiso oo ka dhan ah sharciga dalka iyo xeerarka caalamiga ah. Sidaas darteed, waxaa mar kale ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed looga digayaa in ay bixiyaan lacago lagu maalgalinayo Khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.
Waxaa kale oo ay hay’addu farriin u dirtay dadka Soomaaliyeed oo ay ka codsatay inay lasoo xiriraan, haddii ay arkaan wax liddi ku ah amniga amaba la kulmaan cadaadis uga imaanaya Al-Shabaab.
“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay xasuusineysaa shacabka in ay si degdeg ah ula soo xiriiraan hay’adaha amniga haddii ay la kulmaan cabsi, cadaadis ama baad. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa si buuxda uga go’an ciribtirka Khawaarijta halista ku ah amniga qaranka” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka maanta kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka ee NISA.
Hay’adda ayaa maalmihii u dambeeyay laba jibaartay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna inta ku beegsataa furimaha hore iyo magaalooyinkaa waawayn intaa.


