Maxaas (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Maxaas ee gobolkaasi, kadib dagaal culus oo maanta ka dhacay halkaasi.
Dagaalka oo xoogganaa ayaa ka dhacay banaanka kore ee magaalada, gaar ahaan xadka kala qaybiya gobollada Hiiraan iyo Galgaduud oo ka kala tirsan maamullada Galmudug iyo HirShabelle, wuxuuna kadib kusii fiday qaybaha kale ee degmadaasi.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xubnihii ugu badnaa ee Al-Shabaab ay xoogga soo saareen Maxaas, waxaana inta uu socday dagaalka la maqlay qaraxyo culus oo ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka magaaladaasi.
Weerarka iyo dagaalka xigay kadib ayaa waxaa lasoo wariyay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kasoo baxeen gudaha magaalada, waxaana sidaas ku galay maleeshiyada Al-Shabaab.
Kooxda oo qoraal soo saartay ayaa baraha bulshada ku baahisay in si buuxda ay ula wareegtay gacan ku haynta degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, balse ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale, waxaa dagaalka maanta ka dhashay khasaare culus, iyada oo ay ku dhinteen saraakiil sar sare oo uu kamid yahay taliyaha Nabad-sugidda ee degmada Cadaado, kaas oo qayb ka ahaa dagaalka.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan dhaq dhaqaaqyo culus laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka, si looga hortago weerarka Al-Shabaab.
Kooxda ayaa horay ula wareegtay deegaanno iyo degmooyin muhiim ah oo ku yaalla Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana ugu dambeeyay Moqokori oo illaa iyo hadda ay haysato kooxda.
Si kastaba, la wareegitaanka degmada Maxaas oo 13 sano ahayd saldhig muhiim ah oo laga hago dagaalka ayaa muujineyso guul-darro kale oo soo gaartay ciidamada isbaheysanaya, maadaama ay ahayd degmo laga hoggaamiyo abaabulka ka dhanka ah Al-Shabaab ee deegaannada maamullada HirShabelle iyo Galmudug.

