Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa caawa, ilaa galabta soo gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo, kuwaas oo dowladda federaalka Soomaaliya aysan ka warheyn dhaq-dhaqaaqooda.
Sidoo kale masuuliyiinta Jubbaland ee ku sugnaa Beledxaawo oo maanta ka xeeladeystay dagaalkii ka dhacay degmadaas ayaa sugan magaaladda Mandheera ee dalka Kenya.
Beledxaawo, wali waxaa isku hor fadhiya labada ciidan ee dowladda federaalka iyo Jubbaland, iyadoo weliba lasoo sheegayo in ciidanka dowladda ay galabta horumar ka sameeyeen dagaalka ay doonayaan inay ku qabsadaan degmadaas.
Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta la shiray Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, waxaana la isku soo qaaday arrimaha gobolka Gedo.
Taliyaasha Sirdoonka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sidoo kale iska arkay xaalada gobolkaas oo Itoobiya ay saameyn xasaasi ah ku leedahay.
Madaxweynaha Kenya oo isna galabta gaaray Addis Ababa Itoobiya ayaa qorsheynaya in ay is arkaan madaxweyne Xasan Sheekh, si ajandahooda arrinta gobolka Gedo iyo Jubbaland oo dhan ay uga wadahadlaan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysa in taageerada Jubbaland ay ka heleyso Itoobiya iyo Kenya ay ka jarto, si go’doon dhab ah ay u geliso.
Dadaalladaan diblomaasiyadeed ee Jubbaland ka dhan ah waxaa barbar socda duulaan ay dowladdu ku qaaday gobolka Gedo, gaar ahaan degmooyinka ay ka joogaan ciidamada taabacsan Axmed Madoobe oo Beledxaawo ay ugu horeyso.
Dhanka kale saraakiil ka tirsan Jubbaland ayaa sheegay in ay markaan xiriirka ay la leeyihiin Kenya iyo Itoobiya uu ka sareeyo midka Muqdisho la leedahay labadaan wadan oo gobolka saamayn ku leh.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u sheegay in hadii “qof Soomaali ah uu u cararo wadan kale uu ka cararay walaalkiis oo cadaw ku ah” isagoo taas nasiib darro na heysata ku tilmaamay.

