28.9 C
Mogadishu
Thursday, April 23, 2026

Baarlamaanka Puntland oo soo saaray qaraar culus oo ka dhan ah DF Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Golaha wakiilada maamulka Puntland oo maanta soo saaray qaraar ka kooban lix qodob ayaa eedeymo culus u jeediyay Dowladda Soomaaliya.

Ugu horreyn baarlamaanka Puntland ayaa si adag u cambaareeyay farogelin ay sheegeen in Dowladda Dederaalka ay ku hayso gobollada Sanaag iyo Haylaan ee maamulkaasi, taas oo sababtay xasilooni darro iyo iska horimaadyo hubeysan oo dhacay magaalada Dhahar.

“Goluhu wuxuu si cad u muujinayaa in masuuliyadda dhabta ah ee ka dhalatay falalkaasi sharci-darrada ah ay dusha u saaran tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale, golaha ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe inay iska horkeeneyso beelaha walaalaha ee wada deegaannada SSC, ayna khatar ku tahay midnimada dadka deegaanka.

Waxaa kale oo ay xildhibaannada baarlamaanka Puntland ay cambaareeyaan dagaalka socda gobolka Gedo, iyaga oo dowladda ku eedeeyay inay duulqaan ku qaaday Jubaland.

Qaybaha dambe qaraarka kasoo baxay golaha wakiilada ayaa waxaa looga hadlay dagaalka Al-Shabaab, waxaana goluhu walaac ka muujiyay culeyska kooxda Al-Shabaab oo maalmo kahor dib ula wareegtay magaalooyinka Moqokori iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan. Waxaa dhanka kale ay boggaadiyeen guulaha ciidanka Puntland ee dagaalka kooxda Daacish.

Ugu dambeyn, waxaa bayaanka farriin loou diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, waxaana baarlamaanku ugu baaqay inay ilaaliyaan midnimada iyo wadajirka dalka.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo meeshii ugu xumaa uu gaaray khilaafka culus ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda dhexe, wuxuuna kasii daray markii la guda galay dhismaha maamul-goboleedka cusub ee SSC-Khaatumo oo lagu daray gobolka Sanaag.

- Advertisement -

Read more

Local News