24.7 C
Mogadishu
Sunday, July 26, 2026

Wakiilka Midowga Afrika oo R/W Xamza u xaqiijiyay arrin muhiim ah + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawl-galka AUSSOM, Danjire El Hadji Ibraahima iyo ku xigeenkiisa Mouktar Ousman Karie.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa soo dhowayn kadib, Danjiraha la wadaagay howl-gallada socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay in guullo muhiimah laga gaaray dagaalka argagaxisada.

Danjiraha cusub ee dhowaan lasoo magacaabay ayaa dhankiisa ka mahad-celiyey soo dhowaynta iyo qaabilaadda Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo uu xaqiijiyay taageerada Midowga Afrika ee qorshaha kala-guurka ee ciidamada qalabka sida.

“Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre waxaa uu ka mahad-celiyey doorka ciidamada Midowga Afrika ee qaybta ka ah Hawl-galka AUSSOM,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa bogaadiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, sida ay uga go’an tahay dadaallada amni iyo dib-u-dhiska dalka, isaga oo xaqiijiyey in Midowga Afrika ay ka go’an tahay in ay si buuxda u taageeraan qorshaha Soomaalidu kula wareegayaan amniga dalka.

Danjire Hadji Ibrahima ayaa beddelay Mohamed El-Amine Souef oo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u magacaabay inuu noqdo Madaxa Shaqaalaha cusub ee xafiiskiisa.

Ku-xigeenkiisa, Mouktar Ousman ayaa isna beddelay Sivuyile Thandikhaya Bam, oo Dowladda Soomaaliya ay bishii April amartay in uu dalka ka baxo kadib markii ay ku eedeysay inuu taageero siinayo kooxda Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60