29.4 C
Mogadishu
Sunday, April 19, 2026

C/Weli Gaas oo Puntland u diray farriin culus oo la xiriirta maamulka Woqooyi Bari

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamul-goboleedka Puntland, haatana ah Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Suudaanta Koonfureed, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo bayaan soo saaray ayaa ka fal-celiyay dhismaha maamul-goboleedka cusub ee Waqooyi Bari ee xalay looga dhowaaqay magaalada Laascaanood, kaas oo ay ku mideysan yihiin gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Cabdiweli Gaas ayaa marka hore hambalyo u diray dadka deegaanka, isaga oo sidoo kale maamulka cusub u rajeeyay mid ka shaqeeya danaha dalka, dadka iyo diinta.

“Hambalyo Dowlad-goboleedka cusub ee Waqooyo Bari Soomaaliya waxaan rajeynayaa inuu noqdo kii u adeegga danta dalka, dadka iyo diinta” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Intaasi kadib Gaas ayaa farriin culus u diray Puntland, wuxuuna ugu baaqay in aysan shareysan maamulka cusub, balse ay soo dhaweysato, si ay u wada shaqeeyaan.

“Dowladda Puntland waxaan ka rajaynayaa in aysan sharaysan maamulka cusub ee ay soo dhawayso; waxa idinka dhexeeya baa ka wayn waxa yar ee aad isku haysaan.” ayuu raaciyay.

Maamulkan cusub ee Waqooyi Bari oo xalay lagu dhowaaqay ayaa beddelaya maamulkii ku-meelgaarka ahaa ee SSC-Khaatumo, kaas oo hoggaaminayay ololihii militari iyo siyaasadeed ee lagu qabtay magaalada.

Abuuritaanka maamulkan cusub waa natiijo toos ah oo ka dhalatay colaad dhiig badani ku daatay oo ka qaraxday magaalada Laascaanood, oo ah xarunta gobolka Sool, dabayaaqadii 2022. Dibadbaxyo looga soo horjeeday dilal is-daba-joog ah oo loo geystay shakhsiyaad deegaanka caan ka ahaa ayaa isku beddelay halgan hubeysan oo ballaaran bishii Febraayo 2023, kaas oo dhex maray ciidamada ammaanka ee Somaliland iyo ciidamadii cusbaa ee SSC-Khaatumo.

Si kastaba ha’ahaatee, Aas-aaska maamulka Waqooyi-Bari Soomaaliya ayaa looga gol leeyahay in lagu rasmiyeeyo heerkiisa Dowlad-Goboleed ka tirsan Federaalka, isagoo si toos ah ula shaqaynaya dawladda dhexe ee Muqdisho, isla markaana caqabad ku noqonaya sheegashada dhuleed ee derisyadiisa awoodda leh ee Somaliland iyo Puntland.

- Advertisement -

Read more

Local News