25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Daawo: Deni oo khudbad xasaasi ah uga hadlay dagaalka Gedo, kan Shabaab iyo DF

Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa jeediyey khudbad sanadle ah oo xaaladda siyaasadeed ee dalka uu kaga hadlay, khudbadiisa ayaa ku saabsaneyd sanad-guurada 27-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii dowlad goboleedka Puntland.

Saciid Deni ayaa hambalyo kadib qiray in Puntland ay wajaheyso xaalad adag, balse wuxuu dadkiisa kula taliyey in culeysaadka jira looga gudbo isku tashi, isagoo aan hoos u sii gelin faahfaahinta culeyska ay Puntland wajaheyso 27 sano kadib aas-aaskeedii.

“Dadka reer Puntland waxaan ugu baaqayaa inay u dheganuglaadaan xaaladda adag ee soo wajahday, inay ilaaliyaan midnimada dadka reer Puntland iyo hadafkii maamulkaan loo aas-aasay oo ahaa in la isku raaci dhismaha maamul ka shaqeeya horumarka bulshada,” ayuu yiri Saciid Deni.

Sidoo kale, Madaxweyne Saciid Deni, ayaa dowladda federaalka ku dhaliilay inay ka weecatay waajibaadkii loo dhisay, isla markaana ay ku howlan tahay waxyaabo aan maslaxada dadka Soomaaliyeed aan ka tarjumeyn, sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Dowladda Federaalka inta ka weecatay waajibaadkeedii ayey dagaallo sokeeye abaabuleysaa, waxay ka shaqeyneysaa dano u qaas ah, arrintaasi waa ceeb iyo foolxumo dadkeena u soo hoyatay oo caalamka ay nooga niyad jebayaan,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Deni, ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay in maamullada ka jira Soomaaliya aysan weli u qalab qaadan in deegaanadooda ay ka sifeeyaan cadowga Khawaarijta ah, isagoo ugu baaqay inay sidaan wax ka beddelaan oo dalka cadowga laga xoreeyo.

“Waxaa nasiib darro ah, dagaallada weli socda ee dhexmaraya beelaha Soomaaliyeed oo kooxaha argagixisada ah ay abuurayaan, waxaan ka tacsiyeynayaa falalka argagixiso ee ka dhacaya guud ahaan gayiga Soomaaliyeed,” ayuu yiri Saciid Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa farriin u diray dowladda federaalka, isagoo ugu baaqay inay wax ka beddesho siyaasadda hadda ay ku socoto, si gaar ah dagaallada ka socda Jubbaland oo ah kuwo siyaasadeed ayuu ku taliyey in la joojiyo.

“Waxa socda waxay dalkeena u horseedi karaan burbur aan laga soo kabsan, dowladdu ha joojiso dagaalada ka socda Beledxaawo, Doolow iyo deegaanada kale ee Soomaaliyeed oo ku dhisan dano gaar ah, iyadoo aan lala dagaalameyn kooxo argagixiso ah,” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Hoos ka daawo

- Advertisement -

Read more

Local News