Muqdisho (Caasimada Online) – Shiinaha ayaa sare u qaaday dadaalladiisa dhanka amniga iyo diblomaasiyadda ee Soomaaliya, tallaabo ay falanqeeyayaashu u arkaan inay tahay jawaab toos ah oo ku wajahan iskaashiga sii ballaaranaya ee u dhexeeya Taiwan iyo Somaliland.
Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho ayaa toddobaadkii hore xaqiijisay inay wadahadallo la yeelatay Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Booliska Soomaaliya, kuwaas oo lagu doonayay in kor loogu qaado iskaashiga labada dhinac. Sida lagu sheegay qoraal ay safaaraddu ku baahisay barta bulshada ee X, wadahadalladaas waxay diiradda saareen amniga xeebaha, iyadoo labada dhinac ay hoosta ka xariiqeen sida ay uga go’an tahay “ilaalinta madax-bannaanida qaran iyo midnimada dhuleed.”
In kasta oo aan la bixin faahfaahin qoto dheer, haddana ilo-wareedyo u warramay Caasimada Online ayaa sheegay in saraakiil Shiinaha ka tirsan ay ku dhiirrigeliyeen mas’uuliyiin Soomaaliyeed inay shaqaaleeyaan oo hubeeyaan dad ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland, si loo geeyo xeebaha gobolkaasi — arrin khatar hor leh ku ah xiisadda muddada dheer taagneyd ee u dhaxeysa Muqdisho iyo Hargeysa.
Dhaqdhaqaaqan diblomaasiyadeed ee xooggan ayaa ku soo beegmay kaddib heshiis cusub oo dhinaca badda iyo kalluumeysiga ah oo ay kala saxiixdeen Taiwan iyo Somaliland — laba maamul oo is-xukuma balse aan helin aqoonsi caalami ah.
Khilaaf juquraafi-siyaasadeed oo sii ballaaranaya
Heshiiskan wuxuu dhaleeceyn xooggan kala kulmay dowladda Beijing, oo u aragta Taiwan inay tahay gobol ka go’ay oo khasab ku noqon doona qayb ka mid ah dhul-weynaha Shiinaha — xataa haddii loo adeegsado awood militari. Shiinuhu wuxuu si adag uga soo horjeedaa xiriir kasta oo diblomaasiyadeed oo lala yeesho Taiwan, isagoo u arka tallaabo kasta oo noocaas ah mid ka hor imaanaysa mabda’a “Hal Shiine.”
Soomaaliya oo iyaduna u aragta Somaliland inay tahay qayb ka mid ah dhulkeeda, ayaa sidoo kale diidday heshiiska ay wada gaareen Taiwan iyo Somaliland. Somaliland waxay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991 kaddib dagaal sokeeye oo qaraar, balse ilaa maanta ma aysan helin wax aqoonsi caalami ah, inkasta oo ay leedahay hay’ado dowladeed, ciidan amni, iyo lacag u gaar ah muddo ka badan 30 sano.
Xiriirka Somaliland ay la leedahay Taiwan wuxuu u muuqdaa mid si xeel dheer loo dhisay, iyadoo magaalada Hargeysa ay Taipei ka furatay xafiis wakiilnimo, islamarkaana ay bixiso kaalmooyin horumarineed. Si kastaba ha ahaatee, Taiwan waxay si adag u difaacaysaa heshiiskan, iyadoo ku adkaysanaysa inay leedahay xaq madax-bannaani ah oo ay xiriir diblomaasiyadeed ula yeelan karto cid kasta oo kale.
Awoodda dabacsan iyo saameynta istaraatiijiyadeed
Si uu uga jawaabo dhaq-dhaqaaqyadaas, Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu, ayaa bilaabay kulammo heer sare ah oo is-daba joog ah oo uu ka wado Muqdisho. Tallaabadani waxay muujinaysaa isbeddel siyaasadeed oo muuqda, maadaama Shiinaha uu horay uga caga jiidayay inuu si toos ah ugu lug yeesho arrimaha amniga gudaha Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasoo uu door weyn ku lahaa Midowga Afrika.
Haddase, istaraatiijiyadda cusub ee Beijing waxay isu dheelitiraysaa ballanqaadyo dhanka amniga ah iyo olole diblomaasiyadeed oo awood dabacsan leh.
Arbacadii, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Shiinaha, Hodan Cismaan, ayaa magaalada Beijing ku martigelisay senatarro iyo mas’uuliyiin Soomaaliyeed, iyadoo ku tilmaantay booqashadaas barnaamij “khibrad-wadaag ah.”
“Booqashadani waa qayb ka mid ah dadaallada ballaaran ee lagu xoojinayo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada muhiimka ah,” ayay Hodan ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada.
Goobjoogayaal ku sugan Muqdisho waxay u arkaan Hodan Cismaan — oo hore uga shaqeyn jirtay Safaaradda Shiinaha isla markaana ku hadasha luqadda Mandarin-ka — inay tahay dhexdhexaadiye muhiim u ah danaha Beijing. Jagadeeda iyo khibraddeeda waxaa loo arkaa inay tahay hanti istaraatiijiyadeed oo qiimo leh xilli uu gobolka Geeska Afrika galay tartan caalami ah oo sii xoogeysanaya.
Cabsida laga qabo xasillooni darro
Saameynta sii kordheysa ee Shiinaha ee Soomaaliya waxay gaartay dhulal xasaasi ah oo lagu muransan yahay. Dhawaan, Safaaradda Shiinaha ayaa deeq raashin ah gaarsiisay magaalada Laascaanood — xarunta gobolka SSC-Khaatumo — oo dhawaan ku dhawaaqay inuu ka go’ay Somaliland islamarkaana daacad u yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib bilo dagaallo culus ah.
Falanqeeyayaashu waxay u arkaan faragelinta Shiinaha ee gobolkaasi mid si ula kac ah loogu abuurayo saamayn cusub iyadoo loo adeegsanayo taageero bani’aadannimo. Waxaana la aaminsan yahay in Beijing ay isku dayayso inay ka faa’iidaysato khilaafaadka gudaha si ay u ballaariso saameynteeda istaraatiijiyadeed ee gobolka.
Khubaro arrimaha Geeska Afrika u dhuun daloola ayaa ka digaya in firfircoonida sii kordheysa ee Shiinaha, gaar ahaan ku lug lahaanshaha muranka Somaliland iyo Soomaaliya, ay dhaawici karto xasiloonida gobolka.
“Ka-qaybgalka sii kordhaya ee Shiinaha — gaar ahaan gobollada sida Somaliland oo muddo dheer ku naaloonayey deganaansho qaraar ah — wuxuu sare u qaadi karaa xiisadaha siyaasadeed, wuxuuna halis gelin karaa xasilloonida guud ee aagga,” ayuu yiri falanqeeye gobolka ah oo ay soo xigatay warbaahinta Soomaalida.
Iyadoo Beijing iyo Taipei ay loollankooda madax-bannaanida u soo wareejiyeen Geeska Afrika, khatarta ugu weyn waxay tahay in khilaafaadka muddada dheer ka taagnaa Soomaaliya uu isu rogi karo garoon cusub oo loogu tartamayo saameynta caalamiga ah — taasoo halis gelin karta deganaansho aad u jilicsan oo muddo dheer lagu dadaalay.