25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

SOOMAALIYA oo kaalinta labaad ka gashay liis halis oo dalalka Afrika ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo ay soo saartay Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiga ee Afrika (ACSS) ayaa muujisay in ka badan 155,000 qof ay ku dhinteen weerarrada ay fuliyaan kooxaha xagjiriinta ee ka hawlgala qaaradda Afrika intii u dhaxaysay 2013 illaa 2023. Kooxahan ayaa weli ah kuwa ugu halista badan ee curyaamiya xasilloonida dalal badan oo Afrikaan ah.

Kaliya sanadkii la soo dhaafay, 22,307 qof ayaa la dilay, taasoo noqotay tiradii ugu sarreysay ee la diiwaangaliyo tan iyo 2023. Gobolka Saaxilka ayaa hoggaanka u qabtay dhimashada, iyadoo la xaqiijiyay 10,685 dhimasho. Soomaaliya ayaa kusoo xigtay, iyadoo la dilay 7,289 qof.

Marka aagga harada Chad lagu daro, saddexdan gobol ayaa xambaarsanaa 99% dhammaan dhimashooyinkii la xiriiray weerarrada xagjiriinta ee sanadkaas.

Tirada dadka la dilay ayaa si joogto ah kor ugu kacaysay sannadihii la soo dhaafay. Laga bilaabo 2016 ilaa 2019, celcelis ahaan 10,774 qof ayaa sannadkii u dhimanayay weerarro la xiriira xagjiriinta. Intii u dhaxaysay 2019–2022, tiradaasi waxay gaartay 13,950, waxaana ay mar kale kor u dhaaftay 22,000 sannadkii laga bilaabo 2022 ilaa 2025.

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay ballaarinta aagagga ay kooxahani ka taliyaan. Saaxilka iyo Soomaaliya ayaa si gaar ah u muuqatay, iyadoo kooxahaasi haatan gacanta ku hayaan dhul dhan ku dhowaad 950,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran.

Soomaaliya iyo dalalka hareeraha harada Chad sida Nigeria, Cameroon, Chad iyo Niger ayaa ahaa goobaha ugu dhimashada badan tobankii sano ee la soo dhaafay.

Balse tan iyo 2022, Saaxilka ayaa hogaanka u qabtay dhimashada ugu badan, iyadoo hadda Soomaaliya iyo Saaxilka mid walba laga diiwaangeliyay in ka badan 49,000 dhimasho, halka aagga harada Chad laga diiwaangeliyay 39,000 qof oo la dilay.

Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiga ee Afrika (ACSS) waxay ku celisay digniinteeda ah in kororka weerarrada iyo fiditaanka kooxaha xagjiriinta ee gudaha Afrika uu yahay halis baahsan, ayna lagama maarmaan tahay in si joogto ah loo feejignaado si looga hortago isku xirka sii kordhaya ee kooxahan iyo kuwa caalamiga ah.

- Advertisement -

Read more

Local News