Muqdisho (Caasimada Online) – Hawl-galka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si cad u beeniyay warar la faafiyay, kuwaas oo sheegayay in ciidamadoodu ay khasaarooyin culus kasoo gaareen dagaal ka dhacay deegaanka Bariire ee Koonfur-galbeed ka xigta magaalada Muqdisho.
Bayaan kasoo baxay AUSSOM ayaa waxay ku sheegtay in wararkaasi ay yihiin “kuwo aan sal iyo raad lahayn,” iyadoo ka jawaabaysa sheegashooyin kasoo yeeray kooxda Al-Shabaab oo ku andacoonaysa inay burburiyeen gawaari gaashaaman oo ay leeyihiin ciidamada Midowga Afrika, isla markaana ay ciidamadaasi ka laabteen magaalada Bariire kadib dagaal xooggan.
AUSSOM ayaa caddeysay in 1-dii Agoosto, ciidamo isugu jira kuwa AUSSOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ay fuliyeen howl-gal ballaaran oo lagu bartilmaameedsaday Al-Shabaab, si dib loogu qabsado magaalada Bariire.
Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa sheegay in ciidamada isbahaysiga ay ka go’an tahay xoreynta Bariire iyo deegannada kale ee wali ay joogaan Al-Shabaab, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan amni iyo xasillooni waarta.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in howl-galkaasi lagu dilay in ka badan 50 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, halka tiro kalena lagu dhaawacay si xun.
Ugu dambeyntiina, AUSSOM waxay adkaysay inay sii wadi doonaan la shaqeynta Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, si dalka looga ciribtiro kooxaha argagixisada oo ay sheegtay inay weli halis ku yihiin amniga guud ee Soomaaliya.