27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

DF oo ku dhawaaqday in dalka uu galay xaalad adag

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda SODMA, Maxamuud Macallin ayaa sheegay in deeqihii uu jaray Mareykanka iyo dalal kale ay sababeen xaalado bani’aadannimo oo ka jira gudaha dalka, iyadoo dowladda soo wajahday dhaqaale la’aan baahsan.

“Xaalad adag ayaa ka jirta dalka. Mareykanka iyo dowladihii kaleba waa jareen dhaqaalahoodii. MCH-yadii lagu bixin jiray daawooyinkana waa la xiray,” ayuu yiri Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed waxa uu muujiyay muhiimadda isku tashiga gudaha, isagoo culimada iyo ganacsatada ugu baaqay in ay u istaagaan caawinta dadka ay saameeyeen yaraanta gargaarka caalamiga ah.

“Caalamkii waa jaray dhaqaalihii, ee culimadu ha kaalmayso dadka. Xaalad adag ayaa jirta,” ayuu yiri Maxamuud Macallin oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle TV.

Arrimahan ayaa kusoo beegmaya xilli ay abaaro baahsan ka jiraan qeybo badan oo dalka ah, isla markaana ay dhibaatooyinka bani’aadannimo 70% saameeyeen haweenka iyo carruurta.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, ku dhawaad lix milyan oo Soomaali ah ayaa u baahan doona gargaar bani’aadannimo sanadka 2025.

Hase yeeshee, inkasta oo ay jirto maalgelin yaraan joogto ah, haddana waxaa lagama maarmaan ah in la helo isku tashi gudaha si wax looga qabto xaaladda bani’aadannimo ee kasii dareysa.

- Advertisement -

Read more

Local News