28.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Midowga Afrika oo taageero u muujiyay Axmed Madoobe

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland, Axmed Madoobe ayaa maanta ku qaabilay xarunta Madaxtooyada Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Amb. El Hadji Ibrahima Diene iyo wafdi uu hoggaaminayay oo booqasho rasmi ah ku yimid Jubaland.

Wafdigan oo ay ka mid yihiin saraakiil sare oo ka tirsan Hawl-galka AUSSOM, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jubaland. Kulankan ayaa diirada lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda dalka, arrimaha amniga iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Intii uu kulanku socday, Ergayga Midowga Afrika ayaa muujiyay taageero buuxda oo uu u hayo Jubaland, isaga oo si gaar ah u bogaadiyay dadaallada dowladda deegaankaas ay ku xoreynayso deegaanada ay argagixisadu kaga sugan tahay Jubaland.

Sidoo kale, Danjire Diene ayaa tilmaamay in ciidanka maamulka Jubaland ay muujiyeen karti iyo dadaal weyn, kuwaas oo horseeday xasilinta goobihii dhawaan laga xoreeyay kooxaha nabad-diidka ah. Wuxuuna ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya AUSSOM iyo Jubaland.

Ugu dambeyntii, kulankan ayey labada dhinac ku gaareen xoojinta wada-shaqeyn u dhaxeysa Jubaland iyo Midowga Afrika, si loo sii dardargeliyo howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga guud ee Soomaaliya.

Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Amb. El Hadji Ibrahima Diene ayaa kulankii kan ka horreeyay magaalada Muqdisho kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.

Danjiraha cusub ee dhowaan la soo magacaabay ayaa haatan ku dadaalaya sidii uu xiriiro dhow ula yeelan lahaa madaxda Soomaalida, isla markaana aysan saameyn ugu yeelan laheyn siyaasadaha isdiidan howl-galka Midowga Afrika iyo qorshaha kala-guurka ee ciidamada qalabka sida.

- Advertisement -

Read more

Local News