Muqdisho (Caasimada Online) – Dab xooggan oo muddo saacado ah ka kacay Suuq Bacaad ayaa ugu dambayn xalay xilli dambe lagu guuleystay in la damiyo, kaddib dadaallo ay sameeyeen kooxaha dab-damiska oo ku howlanaa xakamaynta fiditaanka ololka.
Dabkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay cilad koronto, isla markaana uu sababay dhimashada hal gabar, taasoo uu u diray tacsi ehelkeeda guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, Suleymaan Maxamuud Fargax. Wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in aysan jirin cid kale oo dhaawac soo gaaray.
Ibraahim Muuse oo ka mid ah ganacsatada ku sugan Suuq Bacaad, ayaa sheegay in dabka uu baabi’iyay saddex cawro iyo dukaammo kale oo ay lahayd hooyadiis. Arrintan ayaa muujineysa baaxadda khasaaraha hantiyeed ee uu dabku sababay.
“Caawa waxaan noqonay qoys ceyrtoobay. Murugo weyn ayaan dareemeynaa,” ayuu yiri Ibraahim Muuse.
Suuq Bacaad ayaa inta badan bas-beelay, maadaama ay waqti badan qaadatay damibta dabkan, maadaama uu si degdeg ah ugu fiday qaybo badan oo ka mid ah suuqa, iyadoo halkaas ay ku burbureen hanti fara badan oo ay lahaayeen ganacsatadii camiri jirtay Suuq Bacaad.
Ciidamada dab-damiska ee Dowladda Hoose, kooxaha gurmadka degdegga ah ee shirkadda Hormuud iyo dhinacyo kale ayaa si wadajir ah uga shaqeeyay daminta dabka, oo saacado badan qaatay.
Maanta ayaa la filayaa in la magacaabo guddi ka kooban ganacsatada Suuq Bacaad, kuwaasoo lagu wado in ay qiimeeyaan hantida ku burburtay dabka. Guddigani ayaa kulammo la yeelan doona milkiilayaasha goobaha ganacsi ee uu gubay dabku si loo ogaado heerka khasaare.
Maxaa laga baranaya dabka soo noqnoqda ee suuqyada dalka?
Dabkan wuxuu mar kale muujiyey awoodda xaddidan ee Soomaaliya u leedahay wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah, taasoo ah dhaxal ka dhashay tobanaan sano oo colaado ah iyo maalgelin la’aan.
Muqdisho, oo ah magaalo ay ku nool yihiin in ka badan saddex milyan oo qof, waxay heysataa kaliya tiro kooban oo baabuurta dab-damiska ah iyo kooxo gurmad oo si liidata u qalabeysan.
Dabka waa dhibaato ku soo noqnoqota suuqyada Soomaaliya, kuwaasoo intooda badan shaqeeya iyaga oo aan laheyn xeerar rasmi ah ama heerar badbaado oo aasaasi ah.
Meheradaha ciriiriga ah, badeecooyinka ololi kara oo meel isugu jira, iyo korontooyin qalafsan ayaa dhammaantood ah sababaha sii hurinaya qatarta joogtada ah.
Sanadkii 2021, dab ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ayaa baabi’iyay in ka badan 200 oo dukaan. Sidoo kale, sanadkii 2022, Suuqa Waaheen ee Hargeysa oo ah xarunta dhaqaalaha ugu weyn ee Somaliland ayaa dab ba’an ku burburiyay, iyadoo lagu qiyaasay khasaarihii ka dhashay inuu gaarayey $2 bilyan, taasoo ku dhowaad 60% ka ah wax-soo-saarka guud ee gobolka.

