28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Mucaaradka ‘oo ku dhacaya shirqoolka’ Xasan Sheekh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu eedeeyay inuu mar kale isku dayayo inuu waqti dheeri ah ku darsado muddada xilkiisa, iyadoo ay jirto mucaaradad uga imaneysa Madasha Samatabixinta oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Qorshaha Madaxweyne Xasan, sida ay sheegayaan ilo siyaasadeed, ayaa ah inuu muujiyo niyad-wanaag saddexaad, isaga oo si caadi ah usii wada qorshihiisa doorashada, una muuqda mid dhegaha ka fureysanaya baaqyada isdaba-joogga ah ee ku aaddan in uu wadahadal la furo madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland — oo uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyo.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka digay waxa ay ku tilmaameen qorshe cusub oo uu madaxweynuhu doonayo inuu ku wiiqo doorka Madasha, iyagoo uga digaya mucaaradka inuu noqdo mid la marin habaabiyo.

Siyaasiga Maxamed Yuusuf Axmed, oo la hadlay Caasimadda Online, ayaa sheegay in tallaabada Madaxweyne Xasan ay tahay mid aan la aqbali karin, kuna sifeeyay in Madasha Samatabixinta ay tahay inay ka feejignaato wax uu ugu yeeray shirqoolka Xasan Sheekh.

“Madaxweynuhu wuxuu doonayaa inuu muddo laba sano ah ku darsado, isagoo qorsheynaya in dowladdiisu noqoto mid ku tiirsan dhaqaalaha shidaalka isla markaana muddadaas horumar sameysa,” ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Wuxuu sidoo kale sheegay in aysan ahayn wax qarsoon in madaxweynaha uu doonayo in lacagahaasi u adeegsado si uu u aamusiiyo mucaaradka aan dhabta ahayn, halka kuwa kale uu la gali doono is-qabqabsi siyaasadeed.

“Waxaan ugu baaqayaa Madasha iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed in aysan aqbalin ballan cusub oo waqti dil ah. Taa beddelkeedana waa inay ku khasbaan Madaxweynaha inuu hannaanka doorashada keeno miiska, la fariisto madaxda Puntland iyo Jubaland, si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo lagu wada qanacsan yahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Dood xooggan ayaa haatan ka taagan qorshaha dowladda Federaalka ee ku aaddan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah marka la gaaro dhammaadka xilliga xil-heynta ee hadda socda.

Xukuumadda Madaxweyne Xasan ayaa ku adkeysaneysa in dalka uu u diyaarsan yahay in markii ugu horreysay la qabto doorasho dadweyne oo toos ah, hase yeeshee arrintan ayaa si weyn looga biyo diiddan yahay, iyadoo dowlad goboleedyada qaarkood iyo mucaaradku ay ku doodayaan in aan la helin shuruudo buuxa oo suurtagelinaya doorasho noocaas ah.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee la isku haysto waxaa ka mid ah: Jadwal cad oo doorasho lagu qaban karo, wadahadal dhab ah oo la isku raacsan yahay, xasilooni amni iyo sharci oo sal adag u noqon karta hannaanka iyo in laga fogaado in doorashada loo adeegsado muddo-kororsi siyaasadeed.

Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan waxaa u harsan siddeed bilood oo ka dhimman muddo xileedkeeda rasmiga ah, iyadoo aan weli la caddeyn nooca doorasho ee dalka uu geli doono marka la gaaro dhammaadka muddadaas.

- Advertisement -

Read more

Local News