28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Ciidamada dowladda oo howlgal burburin ah ka billaabay xaafadda Siinaay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa saaka howlgal culus oo burburin ah ka bilaabay xaafadda Siinaay ee magaalada Muqdisho, halkaas oo maalmahaan ay ka taagneyd xiisad xooggan.

Wararka ayaa sheegaya in saaka aroor hore ciidamo badan la dul-dhigay suuqa Siinaay, kadibna la geliyay Cagaf Cagafyo, si loo burburiyo dhismaha dhulkaas oo ay la wareegeyso dowladda Soomaaliya.

Goobjooge la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in haatan uu socda howlgalka, ciidankuna ay wadaan burburinta xaafadda, iyada oo la xiray dhammaan waddooyinka gala isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.

“Hadda waxaa socda dudumiskii, ciidamada albaabada ayay garaacayaan, dadkiina jiingadaha ayay fuqsanayaan xaalad aan caadi ahayn ayaa saaka ka taagan xaafadda Siinaay ee degmada Warta Nabadda” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka.

Sioo kale wuxuu intaasi kusii daray in wax ciidan mucaarad ah aysan joogin goobta xaaladduna ay dagan tahay, laakiin howl burburin ah wadaan ciidanka dowladda.

“Wax ciidan mucaarad ah oo saaka joogo Siinaay ma jirto, laakiin waxaa ku sugan oo howlgalka wada ciidamada dowladda” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale, dadka deegaanka ayaa ku doodaya in dhulkan laga iibinayo ganacsato, isla markaana ay iyagu diidan yihiin in lagala wareego dhulkaasi.

Waxa horay si toos ah loogu beec geeyay dhulka uu ku yaallo suuqa, iyada oo qiimihiisana la shaaciyay, kaas oo u dhexeeyo $ 45,000 oo dollar illaa 80,000 oo Dollarka Mareykanka ah.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho ka taagnaa dood ka dhalatay barakicinta dadka deggan dhulalka danta-guud, iyadoo inta badan ay la wareegtay dowladda dhexe.

- Advertisement -

Read more

Local News