26.7 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Yaasiin Fareey oo hanjabaad culus kasoo saaray burburinta ay DF ka waddo Siinaay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Yaasiin Cabdullahi Maxamuud (Fareey) oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si adag uga haday burburinta saaka laga bilaabay xaafadda Siinaay ee magaalada Muqdisho oo ay haatan howlgal ka wadaan ciidamada dowladda Somalia, si cagta loo mariyo dhismaha dhulkaasi.

Yaasiin Fareey oo hanjabaad culus kasoo saaray burburinta dhulkan oo xiisad xooggan ay ka taagan taagan tahay ayaa sheegay in wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhasha ay qaadi doonaan dadka ku howlan oo uu tilmaamay inay garanayaan, balse ma carab baabin.

Sidoo kale wuxuu ku goodiyay in dhulkaasi aysan dagi doonin cid kale, ayna difaaci doonaan dadka metalaan ee ku dhaqan suuqyada Siinaay iyo Suuq-bacaad, isaga oo sidoo kale tuhun ka muujiyay dabkii habeen hore baabi’iyay suuqa labaad ee ugu wayn dalka.

“Wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhasha waxaa mas’uuliyadeeda qaadi doono dhammaan dadka ku Hoowlan oo aan dhammaantood wada naqaano. Ma aqbali doono in la baa’bi’yo Suuqyada Suuqbacaad iyo Siinaay, mana dhici doonto in la dego inta aan nool nahay” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Yaasiin Cabdullahi Maxamuud (Fareey).

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran;-

Waxaan la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed in wixii aan ka digeynay ku dhacayaan subaxan 6da August, 2025 Dadka aan matalo oo labadii suuq ee noloshoodu ku tiirsaneyd midna gubtay, midna la burburinayo.

Suuqa gubtay waxaan tuhun ka qabnaa xogo horudhacana ka heleynaa in uu yahay faldambiyeed abaabulan, Suuqa la burburinayana dhammaan waa wada naqaanaa cidda sida gaarkaa ugu howlan.

Waxaan u taaganahay lana dareen ahay dadka Soomaaliyeed ee la dulminaayo guud ahaan gaar ahaan dadka Labada Suuq ee Siinaay iyo Suuqbacaad oo loo adeegsanaayo awood dowladeed laguna kacaayo fal ka baxsan xuquuqda aadanaha iyo shuruucda u taala Dalka.

Wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhasha waxaa mas’uuliyadeeda qaadi doono dhammaan dadka ku Hoowlan  oo aan dhammaantood wada naqaano. Ma aqbali doono in la baa’bi’yo Suuqyada Suuqbacaad iyo Siinaay, mana dhici doonto in la dego inta aan nool nahay.

Waxaan u sheegayaa dadkeyga in aan murugada la qeybsanaayo, geed dheer iyo geed gaabana u kori doono in aan danaha guracan diidnay dhahno si wadajir ah. Waxaan ugu baaqayaa in ay is garabsadaan waqtigan xasaasiga ah dal iyo dibad, midnimadooda iyo cududooda mideeyaan, qof kastana kaalintiisa qaato.

- Advertisement -

Read more

Local News